Kenya Gumaysi mise gargaare ?

Published: November 10, 2012

Waxaa waayahan jira dood iyo hadalo aad isaga soo horjeeda kuwaas oo soo bilowday kadib galitaankii ciidamada Kenya ay soo galeen dhulkeena, iyo dhismihii Azania ee uu madaxda ka ahaa Prof. Gandi.

Arimahaasi waxaa ugu muhiimsan maamulka loo dhisayo goboladan jubooyinka, iyo sababta dhabta ah ee ay u joogaan ciidanka Kenya goboladan.

Sida uu sheegay mid ka mid ah gudigii 7/11/2012 laga celiyay garoonka diyaaradaha in magaalada Kismayo ay gashay gacan gumaysi  waxa kaliya ee loo baahanyahayna ay tahay in laga wada hadlo sidii looga xoreyn lahaa Kismayo gumaysiga Kenya.

Dhinanca kale markaad eegto bulshada degta gobolada jubooyinka, waxaa ay dhigayeen banaanbaxyo maalintii jimcaha 10/11/12 kuwaas oo ay kaga soo horjeedeen habdhaqanka dowlada Fadaraalka ee Soomaaliya iyo iyaga oo muujiyay taageerada ay u hayaan IGAD, Kenya iyo maamulka Jubbalanad.

Sida aan wada ogsoonahay magaalada Xamar ilaa Marka waxaa gacanta ku haya Ciidamada Uganda iyo Brundi, lagumana sheegayo gumaysi laakiin waa walaalaheen argagixiso ka sifaynaya dalka sidaas waxaa qaba dowlada uu madaxda ka yahay M. Xasan  Sheikh Maxamuud.

Arintaasi miyaysan ahayn in Dowladaha Somalia soo galay qaarna ay gumaysi yihiin  qaarna nabad ilaaliyayaal? Maxay ku kala duwan yihiin? Miyaysan ahayn timir lafbaa ku jirta?

 

Arintan waxay I xasuusiay dhacdadan;

Hada ka hor ayaa waxaa la dhahay dad ayaa gaalo u kala hiiliyay , marka nin aad u caqli badan ayaa waxa uu dhahay Erayadan

Waxa aan laba gaal

a)     Oo abtirsiinyo gudboon( isku mid ah, isku hayb ah, wada gaal ah)
b)    Midna aan u gumaysan (u nacayo, u diidayo , waa gumaysi u dhahayo)
c)     Midna aan guusha u siin ( u rabaa, waa walaalkeen u dhahayo)
d)    Maxaa iga galaya
e)     oo iiga gidhiish ah (igu kala xigaan)
Miyaysan taagnayn arintani maanta? Maxaa keenay in reer Muqdishu ay afka furtaan marka Raaskaambooni iyo Kenya ay gobolada qabteen? Maxaa Kenya ka dhigay gumaysi Uganda iyo Ethiopia ka dhigay Walaal iyo saabiibo fiican? Ciidamada Uganda miyaysan gumaadin shacabka ku nool xamar? Miyaa la ilooway midaas?

 

Ugu danbayn waxaan soo jeedinayaa arimahan:

1.     In lagu wada dhaqmo wixii lagu heshiiyay( dastuurka )
2.     In Soomaalidu ay iska dhaafto wixii la dhihi jiray “kaygana anaa leh kaagana kula lihi”
3.     In dadka deegaanada ay deganyihiiin lagu ixtiraamo, maadaama federal government la dhisay.
4.     in wixii lagu dhaqmayay 20 sano ee boobka ahaa laga waantoobo
5.     in Umada soomaaliyeed dhulku wuu wada deeqaaye si cadaalad ah loo wada qeybsado.
6.     In Madaxa waynuhu uu ogaaado in beelaha soomaaliyeed uu madaxwayne u wada yahay ee uusan reer Muqdishu u ahayn.
 

Mohamed Abdi Abdullahi

Nathiir77@gmail.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Soomaalida Maraykanka oo codsanaysa cunto Xalaal ah
Sanbaloolshaa la i dhahaa, waxaan ku sugnahay Kismaayo
Farriin ku socota KismaayoNews
Arrimaha sidaas ayay u cakiranyihiin, “Sidee ? ”
Shir dib u heshiisiin oo ka furmey Kismaayo