Baarlamaanka oo codsaday sharaxaad kusaabsan kireysiga safaaradda Talyaaniga

Published: November 25, 2012

 

Kn; Baarlamaanka dawladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho ku yeeshey kala fadhiggii 19aad kana dooday arimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd miisaaniyadda dalka ee sanadka 2013.

Baarlamaanka ayaa dooddii maanta kusoo daray iney suaalo iyo sharaxaad ka codsadaan wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya iney sharaxaad buuxda ka bixiso sababta loo kireeyey safaaraddii dalka Soomaliya ku lahayd dalka Talyaaniga iyadoo aysan jirin cid lagala tashaday.

Safiir Nuur Cadde ayaa isagu caddeeyey inuu kireeyey safaaradda muddo 18 sano ah ayna daganaan doonaan shirkad Talyaani ah oo uusheegey iney tahay shirkaddii dayactirtey isagoo aan cidna kala tashanin ama aan wargalinin.

Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa muujinaya tayo badan oo in muddo ah ka maqneyd golahan sharci dajinta dalka.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ra’isulwasaaraha Itoobiya oo Sheegey in Ciidamo Geynayo Kismaayo
Dagaalada Ciraaq iyo Suuriya oo Saameyn Ku Yeeshey Beeyada iyo Xijiga Boosaaso
Kismaayo : Darees loo qeybiyey 4 qeybood oo ciidamada ah
Dhageysi : Jubada Hoose oo lala mataaneynayo gobol Yurub ka tirsan
Dhageysi : Kismaayo dil kama uusan dhicin tan iyo intii la sameeyey maxkamadda ciidamada