Kala Xigsiga Ciidamada Shisheeye ee Soomaalida

Published: November 25, 2012

Kn:Kadib burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya sanadkii 1991, dalku waxa uu galay marxalad dhibaato iyo jahawareeg ku dhisan. Waxaa saaxada ka baxay sharaftii iyo haybadii uu dalku lahaa. Waxaa bilowday dagaal lagula jiro dadka soomaaliyeed si loogu sameeyo isbadal xaga siyaasada, manhajka, fikirka, wadaniyada iyo dhammaan qiyamka wanaagsan ee umada Soomaaliyeed lahaan jirtay.

Waxaa bilowday ol’ole (campaign)siyaasadeed oo lagu kala furfurayo dadka soomaaliyeed. Kasoo ahaa nidaamka “Qeybi oo xukun” waxaa laga hirgaliyay soomaaliya ururo hab beeleed u samaysan ururadaas oo taageero kahelayay jihooyin kaladuwan.  Dowladaha sida gaarka ah ugula jiray faraha soomaaliya waxaa kamid ahaa Ethiopia, Kenya, Eretria, Mareykanka, Faranciska  NATO iyo kuwo kale.

Dhacdooyin lama ilaawaan ah:

1. Sanadkii 2000  waxaa lagu qabtay dalka Djabout shir lagu magacaabay dib u heshiisiin . laakiin waxa kaliya ee laga dhaxlay shirkaas wuxuu ahaa nidaamka 4.5 oo soomaalida loo qeybiyay. Nidaamkaas oo ah nidaam soomaalida loogu talo galay inay wax ku heshiin waayaan sida hada taagan.

2. June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyahii Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiri “Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha.” Mudo yar kadibna Muqdisho waxay noqotay magalooyinka aduunka ugu nabadsan. waxaa soo baxday in umada soomaaliyeed ay wax qabsan karto aysana u baahnayn taageero dibadeed laakiin ay u baahantahay hogaan daacad ah, bulshaduna ay dooratay, nidaam ay aaminsantahayna lagu maaamulo.

3. Si arintaas looga hortago, June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey “Somalia Contact Group”. Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee

Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.

4. Taariikhdu markay ahayd, June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.

shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.  Xubnaha barlamaanku ma aysan ahayd dad leh aqoon  siyaasadeed, khibrad  hogaamin iyo hami wanaagsan , laakiin waxay ahaayeen dad ay keensadeen hogaamiye kooxeedyadii markaas jiray iyo qabaa’ilo soomaaliyeed.

Kadib maxaa dhacay?

waxaa dalka markiiba soo galay ciidamadii Ethiopia , waxaana si hoose u maalgalinaya Maraykan iyo quwado kale, iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya waxaan difaacaynaa dowlada soomaaliya, waxayna qabsadeen coonfurta  Soomaaliya inteeda badan. Ciidamadaasi intii ay joogeen waxay geysteen xasuuq aad u badan, iyaga oo dilay kumanaan qof, burburiyay xaafado dhan oo kuyaala  Mogadishu, kana qixiyay shacab boqolaal kun dhan guryahoodii. Sida ay ku sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda Insaanka in sannadkii 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. (Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay).

Sidaa si lamid ah ,waxaa  magaalada Moqdishu ka gaystay gabood fallo Ciidamada AMISOM. Waxayna caado ka dhigteens inay madaafiic ku garaacaan meelaha shacabku deganyahay iyo  inay dadka si kas ah xabado ugu furaan ama baabuurtooda mariyaan(jiidhsiiyaan) . Waxaa kamid ahaa dhacdooyinkii ugu naxdinta badnaa in BAS rakaab ah ay xabad la dheceen shacabkiina halkaas ku dhamaaday qofna uusan is waydiinin. Dhacdooyinkaas iyo kuwo badan oon la koobi Karin ayay ahayd wixi na soo maray.

Hada maxaa taagan?

Sida la wada ogyahay xaalada uu maanta dalku marayo waa meel aad u adag, una baahan in si waaqici ah looga baxo, umadana loo horseedo cadaalad, sinaan iyo is xaqdhowr.

Sida aa wada ognahay dalka waxaa jooga ciidamo shisheeye oo ay kamid yihiiin Uganda, Ethiopia, Djibouti, Kenya, Burundi, Sierra Leon and kuwo kale.

Dhamaan dowladahaas waxay u joogaan dalka waa dan(interest) ay ka leeyihiin. Mana aha inay yihiin gumaystayaal toos ah balse  waa kudadban rabana  inay samayn ku yeeshaan maamulka loo dhisayo soomaaliya iyo dano kale.

Bilihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay kala qeybsanaanta xubnaha ugu sar sareeya Dowlada Soomaaliya ee kuwajahan  Ciidamada shisheeye ee dalka jooga. Dhacdadiise ugu waynayd waxay ahayd kadib markii Ciidamada Kenya ee jooga Kismayo ay soo celiyeen Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya taas oo ay ku sababeeyeen inaysan amnigooda damaanad qaadi Karin, taasi waxay keentay in xubnihii lasoo celiyay qaarkood warbaahinta ka dheheen Kismayo waxay gashay gacan gumaysi waxayna u baahantahay xoreyn.dhinaca kale Kismayo waxaa jooga mas’uuliyiiin ka tirsan Dowlada Federal-k a ah sida Prof. Gandi oo ah xubin baarlamaanka ah, Taliyaha  Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka General Saxardiid iyo xubno kale. waxaa Mogadishu sidoo kale jira xubno warbaahinta ka hadlay oo sheegay in Kismayo aysan galin gacan gumaysi, dalkuna yahay Federal government oo goboladu ay ayahooda ka tashan karaan dowladuna arintaas ay diidantahay.

Arintaasi waxay cadaynaysaa in dowlada lafteedu ay la kala safantahay ciidamada shesheeye ee aysan ka turjumaynin baahida Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Ethiopia waxay qabsadeen Baydhabo, Baladweyne, waxay haystaan Luuq iyo magaalooyin badan oo ay maamulaan. Ciidamada Uganda iyo  Burundi waxay qabsadeen Balcad ilaa Shalembood, Ciidamada Kenyana waxay qabsadeen Kismayo iyo agagaareheeda. Maxaa u dhexeeya Ciidamadaas dalka inba qeyb qabsadeen? Ma kala fikirbaa? Makala diinbaa? miyaynaan ogayn in Kenya iyo Ethiopia ay Heshiis galeen sanadihii 1964, 1980, 1987?  Miyaynaan maqal hadalkii Madaxwaynihii Kenya Daniel arap Moi? Miyaynaan xasuusn xasuuqii xabashida?

Ugu danbayn, umadda soomaaliyeed waxaa deeqa cadaalad, dowlad wanaag, dadku waxay aaminsanyihiin oo lagu dhaqo iyo ciidamada shisheeye oo sidii dalka looga saari lahaa falankeeda la galo, lana dhiso ciidamo leh karti, anshax, qalab, oo xambaarsan hami wadaniyad.

Mahad Ilaah baa leh

By: Mohamed Abdisamad Hared

University lecturer  Xareed26@hotmail.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
FARDAMBE : Waxaan mijo la qabtay ku gartay, ayaad madax dhiigaya ku garatay !
Burcad-badeed mise Bad-Maax?
Jawaari oo ka dagay Baydhabo-Janaay
Wasiir uu weerar ku qabsaday Godka Jilacoow
Turkiga oo Kismaayo u weeydaartay