Maamul u-Sameynta Jubaland: DF iyo JL yaa gar leh?

Published: November 26, 2012

KN:Maalmahan waxaa aloosnaa khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo madaxda dawladda federaalka (DF) ah ee cusub iyo guddiga ku hawlan dhismaha dawlad goboleedka Jubaland (JL). In kastoo khilaafkan aan si rasmi ah loo shaacinin, haddana waxaa muuqata in uu jiro khilaaf ka dhexeeya labada dhinac. Islamarkaasna waxaa muuqata inaan wax xal ah laga gaadhin khilaafkaas.
Khilaaf wuu dhici karaa, waana wasiilo u fududeysa aadanaha inuu horumar sameeyo, kana barto gafafka ka dhasha cilmi gaabnida iyo karti yarida qofka aadanaha ah. Ceeb ma aha in la is-khilaafo, waxaase karti xumo ah in wixii la isku maandhaafay la isla meel-dhigi waayo.

Runtii waxaad moodaa in khilaafka looga aamusay sidii looga aamusi jiray khaladaadkii hore ee dalka ka dhacay, ee ilaa hadda raadkoodii uu sii jiro amaba caqab ku ah horumarka Soomaalida. Tusaale ahaan, xornimadii kadib gobolada waqooyi galbeed waxbey tabanayeen. Lama xallinin ee waa laga aamusey, waxayna keentay cabashadoodii inay go’aan, walina wey taagantahay mushkiladii laga aamusey. Dagaalkii jabhadaha iyo kacaankii ee isu badalay “dagaalka sokeeye” ee galaaftay dawladii dhexe lagama hadlin, la ismana waydiinin sababta dagaalku isugu badalay “dagaal sokeeye”, waa laga aamusanyahay. Dagaaladii dhex maray Caydiid iyo Cali Mahdi lagama hadlin ee waa laga aamusey, saameyntoodiina wali way taagantahay. Dagaaladii Caydiid iyo RRA lagama hadlin ee waa laga aamusey. Dagaalka beelaha Sacad iyo Saleebaan maxay u soo noqnoqdaan wali waa arin taagan oon xal laga gaadhin.

Dagaalkii dhex maray C/laahi Yusuf (Allaha u naxariisto) iyo ururkii Al-Itixaadka waa laga aamusey. Maxaakiimta oo Sheekh Shariif hogaaminayay maxay dagaalka ula galeen Itoobiya, hadana ay ula heshiiyeen lagama hadlin ee waa laga aamusay. Dabcan tusaalooyinku intaas way ka badanyihiin oo ma soo koobi karno, hase ahaatee, waxaa caado noqotay in mushkilo kasta loo daayo “wakhtiga”, lagana aamuso, laakiin waxay u muuqataa in uusan wakhtigu fahmin inta badan mushkilada Soomaalida ama uuba xallin kari waayay. Haddaba sida looga aamusey xasaradihii dalka ka dhacay oo dhan, si la mid ah ayaa looga aamusay khilaafka ka taagan maamul u sameynta JL.

Siday aniga ay ila tahay “aamusku” xal ma keenin, mana keeni karo ee waa in laga wada hadlaa mushkilooyinka Soomaalida. Si arimaha Soomaalida xal looga gaadho oo Soomaalidu nabad waarta u hesho waxay u baahantahay inaan laga aamusin khaladaadka ee laga wada hadlo, xattaa haduu wada-hadalku qaadanayo sanado badan. Tusaale ahaan waxaan maalin dhaweyd akhriyay khilaaf ka dhexeeya dawladda federaalka ah ee Malaysia iyo maamulka goboleedka Kelantan (Malaysia). Waxay isku khilaafsanyihiin qaybsiga shidaalka gobolka (Kelantan) ka soo baxa. Dawlad goboleedku waxay rabtaa in boqolkiiba toban (10%) laga siiyo shidaalka ka soo baxa dhulkeeda, halka ay dawlada federaalku diidantahay arintaas. Garta labada dhinac waxay socotaa 20 sano.

Way dhici kartaa in xal laga gaadho maalin uun, laakiin waxaa darsi laga faa’iidi karo ah dulqaadka labada dhinac ay u leeyihiin wada hadalka mudada intaas le’eg socday. Sidoo kale, waxay muujinaysaa garta mudadaas socotay inay labada dhinac doonayaan inay xal waara kagaadhaan arintaas. Inaguna haddaan Soomaali nahay waxaan u baahan-nahay sidaas si la mid ah in wada-hadalku uusan istaagin, islamarkaasna, arin kasta wada-hadalkeedu socdo ilaa xal laga gaadho.

Haddaba, anigoo ka faa’iideysanaya darsiga aan soo sheegay ayaan go’aansaday inaan wada hadal furo oon ku bilaabo madaxda DF iyo guddiga maamul u sameynta JL. Waxaan u dhigayaa labada dhinac gogol wada-hadal. Anigoo cuskanaya macluumaadka ay warbaahintu ka qortey khilaafka labada dhinac, warsaxaafadeedyada madaxda kala duwan, iyo macluumaadka shakhsiga ah een ka helay ilaha kala duwan ayaan go’aansaday inaan garta qaado. Haddaba aan gudo galo garta ee idinkuna ila arka xujooyinka labada dhinac, iguna biiriya afkaartiina, si aan xal waara ugu soo jeedino labada dhinac ee isku maandhaafsan maamul u sameynta JL.

Madaxda DF maxay ku gar-leeyihiin?
Sida uu qorayaan cahdiga qabyada ah ee qaranka Soomaaliya (DF) iyo qawaaniinta caalamigu, dawlad kasta waxay leedahay qaranimo, waxayna matashaa dhulka loo aqoonsanyahay. Si kasta oo ay daciif u tahay iyada ayaa masuul ka ah dhulkeeda. Haddii ay doonto iyadaa u yeedhan karta ciidan shisheeyee. Hadii ay dooneyso iyadaa diidi karta faragalin shisheeye. Dawladay doontey u yeedhan kartaa, tii ay doontana way diidi kartaa. Madaxda DF waxay masuul ka yihiin oo ay u dhaarteen inay ilaaliyaan dahana dalka, diinta iyo dadka. Hadaysan awoodi karin gudashada hawshaas waa inay iska tiriyaan xilka dalka. Hadii arintu ku adkaato waxaa u banaan inay la tashadaan dadweynaha si go’aan wadareed looga qaato.

Ururada IGADD, AU, AL, iyo UN intuba waxay aqoonsanyihiin in DF ay tahay waaxda kaliya ee matasha shacabka Soomaaliyeed. Haddaba marka aan intaas oo arimood tixgalino, oon arinta ka eegno daahirka muuqda kaliya, DF way ku saxtahay inay ku andocooto in lagu xad gudbay qaranimadeeda. Sidoo kale waxay xaq u yeelan inay horjoogsato maamul dibada laga soo dhisay inta tabarteeda ah. Iyagoo cuskanaya cahdiga qabyada ah ee dalka iyo xeerarka caalamiga ah een soo sheegnay ayay madaxda DF difaacayaan xujadooda ah cid aan anaga ahayn ma dhisi karto maamul Soomaaliyeed. Haddii arinta la isku haysto sidaas loo fasiro, garta waxaa iska leh madaxda DF. Waxaase su’aal ah in dastuurka iyo qawaaniinta caalamiga ah tafsiirka daahirka ah laga qaato ma ku filantahay xallinta mushkilooyinkka. Sida ay qabaan xeeryahanadu, xeer kasta wuxuu u baahanyahay macneyn iyo tafsiir. Tafsiirku wuu kala duwanaan karaa. Marar badan waxaa jira tafsiirka xeerka loo yaqaano “la jiifiyaana bannaan”, oo macnihiisu yahay tafsiirka xeerarku way isbad-badalaan, qolo kastana waxay u fasiri kartaa xeerarka la isku haysto sida daneheedu ku jiraan. Saas darteed, tafsiirka DF wuu u cuntami la’yahay gudiga maamul u sameynta JL, waxayna go’aansadeen inay sida dantoodu ku jirto u fasirtaan xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale, waxay dib u milicsadeen dhacdooyin horey u dhacay iyo sida Soomaalidu ula tachaashay. Hadaba aan eegno waxay cuskanayaan guddiga maamul u sameynta JL.

Guddiga Maamul u-Sameynta Jubaland Maxay ku gar-leeyihiin?
Arinta in daahirka guud laga fiiriyo oo kaliya ku xallismi meyso ee waa lagama maarmaan in duruufaha ku xeeran arinta JL iyo taariikhda dhacdooyinka gayiga Soomaalida loo laabto. Haddii arinta maamul u sameynta JL laga fiiriyo dhinacyada kala duwan ee ay leedahay waxay ku doodayaan xujooyinka soo socda.

1. Hawsha maamul u sameynta JL waxay jirtay madaxda DF oon jirin. Sida aan la socono sanad ka badan ayay socotaa hawsha maamul u sameynta JL, waa arinta abuurtay in hadda madaxda DF ay fahmi waayaan. Haddii warkooda la raacana waxay noqoneysaa “ciyaarta kow laga soo bilaabo” maadaama aan cusbahay. Guddiga ku hawlan maamulka JL waxay ku doodayaan in kharash badan baxay, hawshuna inteeda badan dhammaatay. Islamarkaasna aysan haynin madaxda DF xujo adag oo shirka dib loogu celiyo. Haddaba, guddiga ayaa ka xujo adag madaxda DF, markii loo eego qodobkan.

2. Madaxda DF ilaa hadda wax badiil ah ama xal kale lagama hayo. Haddii madaxda DF ay keeni lahaayeen xal kale ma dheceen khilaafkan maanta jira. Tusaale ahaan haddii madaxda DF ay balan qaadi lahaayeen: ciidanka ilaalinaya ergooyinka iyo hawlaha shirka, iyo inay bixiyaan lacagta ku baxaysa shirka inta uu socdo waxbay ahaan lahayd, xujadooduna way xoog badnaan lahayd. Laakiin labadaas midna DF ma awooddo xilligan, saas darteed ayaa keenaysa in laga gar helo DF. Haddaba, marka loo eego xujada ay cuskanayaan, kooxaha ku hawlan maamulka JL ayaa ka maangalsan tan DF.

3. Sababta Kenya loo diiday, Itoobiyana looga aamusey ma cadda. Madaxda DF si caqli gal ah uma cadeynin sababta loo diidanyahay Kenya, waayo waxaa la sheegay in Kenya ay iskeed ama danaheeda ay usoo gashay dalka ama Kismayo. Waxaase ka hoos baxday madaxda DF in madaxweynuhu uu tagay Baydhabo iyo Beleweyne, islamarkaasna ay ku soo dhaweeyeen ciidanka Itoobiya oon ka tirsaneyn AMISOM. Su’aashu waxay tahay maxay Itoobiya usoo gashay dalka? Danaha Soomaaliyeed miyaa? Madaxweynahu muxuu ku diidi karaa ciidanka Kenya oo AMISOM ka tirsan, halka uu saraakiisha ciidanka Itoobiyana kula kulmay xeryihii ciidankii qaranka iyagoon ka tirsaneyn AMISOM, kuna soo galin dalka ogolaansho UN, IGADD ama ogolaansho baarlamaan Soomaaliyeed midna. Waxaa intaas dheer dhowr sano unbaa ka soo wareegtay markii Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka mid ahaa dadkii taageerayay in ciidanka Itoobiya lala dagaalamo (muqaawamadii). Sidoo kale, markii ay madaxdii maxaakimta iyo taageerayaashoodii (oo Xasan Sheekh uu ka mid ahaa) ay ka carareen ciidanka Itoobiya waxay magan galeen Kenya. Taasoo ka dhigan inaan Kenya loo qabin cadawnimo hore. Saas darteed, xujada ah in Kenya ay dalka faragalin ku hayso, Itoobiyana aysan ku haynin ma aha maangal ah, haddii kale, arintu waxay noqoneysaa “oohintu orgiga ka weyn” oo dulucdeedu tahay “mushkiladu ma aha taangiga dalka soo galay ee waa cidda –beesha- uu sidu”, saas darteed markii taangiga Itoobiya uu siday
C/laahi Yusuf waxaa la iclaamiyay “jihaad” hadana Itoobiyanku waxay sidaan……..!!. Saas darteed, xujada ah “Kenya ayaa faragalin ku haysa Soomaaliya” ma aha wax maangal ah, waxaana garta iska leh guddiga maamul u sameynta JL.

4. Xujada ah “marka hore deegaanka halla wada xoreeyo” maangal miyaa? Waxaa madaxda DF ka soo yeedhay inay haboontahay in marka hore la wada xoreeyo deegaanka JL, kadibna la dhiso maamulka JL, hase ahaatee aragtidaasu ma cuskana xujo caqki gal ah. Sababtu way fududahay. Madaxda DF oo uu ugu horreeyo madaxweyne Xassan Sheekh ma aysan sugin inta dalka laga wada xoreynayo, waxayna isu taageen madaxtinimada dalka iyadoo xattaa gobolka Banaadir uusan gacanta DF ku wada jirin. Maalin dhaweyd markuu madaxweynuhu ka hadlayay arinta JL ayuu sheegay inay muhiim tahay in horta la xoreeyo deegaanada JL oo dhan, kadibna maamulka la dhiso. Laakiin su’aasha markiiba maankeyga kusoo duxday waxay ahayd: oo madaxweynuhu muxuu u sugi waayay inta dalka laga wada xoreynayo, si uu dalkoo xor ah isugu soo taago doorashada? Madaxda DF waa looga gar leeyahay arintaas, mana hayaan xujo la aqbali karo.

5. Xujada ah “maamul dibada lagu soo dhisay sharci ma aha” ma garbaa? Haddaan taariikhda dib u jaleecno, dawladihii KMG ahaa oo dhan waxaa lagu soo dhisay dalka dibadiisa, sharcinimadeedana waxba lagama sheegin. Haddaba, maamul dibada lagusoo dhisay ma aha mid ku cusub dalka ee waa qaab Soomaalidu kusoo gaadhay halka ay maanta joogto, ayna ku dhisatay dawladda federaalka ah. Tan kale, arinta sababtay in maamul lagu soo dhiso dalka dibadiisa waa isla tii keentay in dawladihii KMG ahaa lagu soo dhiso dibadda. Dawlad la dhiso waxay u baahantahay ciidan iyo dhaqaale, midna Soomaalidu ma heli karo ilaa ay cagaheeda ku istaagto. Haddaba, xujadan waa looga gar leeyahay madaxda DF, mana hayaan dood lagu raaci karo.
Ugu danbeyntii markaan haddaan lafagurno doodaha labada dhinac, waxaa inoo cad in madaxda DF laga garleeyahay oo aysan haynin wax u cuntami kara shacabka ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Taasi waa tan keentay in shacabku si buuxda u taageeraan guddiga ku hawlan maamul u sameynta JL oo ay ka horyimaadaan madaxda DF. Haddaba waxaan filayaa inay haboontahay madaxda DF ay u tanaasulaan shacabka, ayna dhiirigaliyaan maamuladda dadku sameysanayaan. Waxaa mudan in la xusuusnaado in Soomaaliya aysan wali gaadhin heerkii ay si buuxda isu aamini lahayd oo la dhihi lahaa madaxda DF waxay si buuxda u matalaan qaranka Soomaaliyeed. Waxaa wali jira dareen ah in madaxda DF ay kala matalaan qabiilada ay ka soo jeedaan. Haddaba, hawsha ugu weyn ee ay tahay inay ka shaqeyso DF sidau u abuuri lahayd is-aaminaad la dhexdhigo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee muddo kala irdheysan,
W/Q: C/llahi Adan Ciid,

email: aadanciid114@gmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xildhibaanada oo loo qorey waardiyeyaal, lacagtana iyagaa iska bixinaya
Ethiopia : Jubbaland waa sidii ilmo yar oo kale, xanaano ayay u baahantahay
Qaramada Midoobey oo beenisey in ay ka baxayso Soomaaliya
Nocholas Kay “Soomaaliya waan ka baxaynaa”
Nadiif Jaamac oo waayay kursiga barasaabka Gaarisa