Madaxweyne Xasan oo Jabuuti lagu soo dhaweeyey

Published: November 26, 2012

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji  Fiqi, Xildhibaan  Faarax Sheekh  Cabdulqaadir ahna Lataliyaha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.

Madaxweynaha dalka  Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geele,  Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Dowladda Jabuuti ka tirsan ayaa garoonka ku soo dhoweyey Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Band Music (Baambeey) Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay dhigiisa  Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Waxa ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda labadda dalka, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warxibin  ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqshadu tahay tii ugu horeysay oo rasmi ah ee  uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynahu safarkiisa ugu sii tallaabi doonaa dalka Itoobiya.

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Baarlamaanka oo ka doodaya doorashooyinka 2016-ka
Cali Khaliif iyo Saado Cali oo kuraastoodii baarlamaanka la buuxiyey
Maamulka Jubba oo samaynaya maxkamadda ciidamada
Ciidamada Jubba oo soo qabqabtay dagaalyahano Alshabaab
Dowladda dhalinyaro badan ku halaloobineysa Ciraaq