Baledweyne, Baqortooyadii la bowd-qalaalay

Published: November 27, 2012

Kn:Shalay ayay ahayd markii loo boqray xil muhiim ka ah bulshada dhaqanka, wax ka yar 24 saac gudahoodna koox wareento ah ayaa bartamaha magaalada Baledweyne ku koomaalay bastooladu guntiga ay ku wateen.

Naxariistii Jano Allaha ka waraabiyee, marxuum Maxamed Sheekh Xuseen oo ku magac dheeraa Marya-cadde, waxaa shalay loo caleemo saaray Gudoomiyaha Golaha marjaca ee Guurtida gobolka Hiiraan.

Maalin kadib, waxaa god aakhiro u diray gacan ka xaqdaran oo Ibliis u soo diray. Walow ay shaaciyeen in mid kamid ah gacan ku dhiiglayaasha ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka ee degmada, hadana waxay dadku farta ku fiiqayaan in falkani foosha xun ay kadanbeeyeen kuwii looga bartay xabad siibka tiirdhexaadka iyo dadka wax galka u ah bulshada.

Falka lagu dilay Maryacadde wuxuu tusaale u yahay sida dadka nabadda jecel ama wax galka ah ee dalka iyo dadkaba badbaada u noqon lahaa ay baylah ugu yihiin cid kasta oo damaaci ka galo naftooda iyo maalkooda.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan oo u kala dhuumanaya waddamada Islaamka
DF : Guddiga Xuduudaha ayaa xalinaya cabashada Puntland ee Galmudug
Dad badan oo lagu laayay weerar ka dhacay Mandheera
Guddiga Doorashooyinka oo la anisixiyey, Xaliimo Yareey oo heshey codadka ugu yar
Isbitaalka Kismaayo oo loo dhisey saallo casri ah