IGAD oo kismaayo tagtay iyo qalab milatari oo gaaray

Published: November 27, 2012

Kn:Wafuud ka socotay dawlad goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka Kismaayo, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay madaxda maamulka ku meel gaarka ah iyo saraakiisha ciidamada AMISON ee gobolka ku sugan.

Shir Albaabadu u xiran yahay ayay wada galeen wafuudda, saxiixayaasha iyo gudiga farsamada ee maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo, lamana oga waxa ay ka wada hadleen, waxaase la fahamsanyahay inay ka arinsanayeen sidii loo dardar galin lahaa, loona dhamaystiri lahaa maamulka lagu guda jiro.

Sidoo kale waxaa magaalada soo gaaray diyaarad siday saanad iyo agab ciidan, taasi oo markii ay garoonka ka soo degaysay hawada laga saaray Isgaarsiinta magaalada kadibna markii la dhamaystiray daabulista iyo dajinta isla markaana ay diyaaradda ka kacday garoonka  waxaa dib u soo noqday isgaarsiintii hawada ka maqnayd.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Labadii hablood kaliya ee xukuumadda ku jirey oo xilkii laga qaaday
Guddiyadii doorashada 2016-ka oo la kala direy
Obama iyo Uhuru oo taleefoon kaga wada hadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed
David Cameron oo xilka ka degaya kadib codeyntii Brexit
Britain oo ka baxday Midowga Yurub