Caasimadda oo yeelanaysa ciidamo gaar ah

Published: November 29, 2012

Kn:Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka oo looga hadlay arimo dhawr ah ayaa lagu go’aamiyay inay Muqdisho yeelato ciidamo gaar ah oo amaankeeda suga.

Shirka waxaa gudoominayay wasiirka koobaad, Ra’iisul wasaare Saacid Shirdoon, waxaana saxaafadda u akhriyay shirka ka bacdi qodabadii looga hadlay iyo natiijadii ka soo baxday, wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo dalxiiska, Eng. Cabdullahi Cilmooge Xirsi.

Xaafadaha iyo degmooyinka ay ka koobantahay caasimaddu ayay xukuumadda Saacid diyaarinaysaa ciidamo gaar u tabobaran oo aan ahayn kuwa milatariga oo ka hawlgali doona 16 degmo, waxaana la filayaa inay wax weyn ka badasho amaanka Xamar.

Sidoo loo ciribtiri lahaa musuqa, isla markaana loo beekhaamin lahaa dhaqaalaha soo gala gacanta dawladda ayaa sidoo kale la isla jeexjeexay. Xukuumadda cusub waxay diyaarinaysaa wadiiqooyin cusub oo lagu xaqiijinayo kobcinta dhaqaalaha dalka iyo abuuridda ilo dhaqaale oo dawladdu uga maaranto mustaqbalka dhaw gacan hoorsiga beesha caalamka, sidaasi waxaa KismaayoNews u sheegay mid kamid ah masuuliyiinta dawladda.

KismaayoNews.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Sedex shirkadood oo sheegey in ay qandaraas ku heystaan teesaraha iyo baasaboorka Soomaaliya
Xildhibaanada oo far-ku-gabbad ah kadib xildhibaan kale oo la diley
Madaxweynaha Burundi oo tagay Soomaaliya
Dumar iyo Odayaal mar kale loo dirayo waanwaanta Barre Hiiraale
Xildhibaan ka qeybgalayay shirka amniga qaranka oo qarax lagu diley