Madaxweynaha oo Kenya tagaya Arbacada

Published: November 30, 2012

Kn:Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo maanta dib ugu laabtay Xamar kadib markii uu soo ebyay socdaal uu ku bixiyay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa isu diyaarinaya inuu maalinta Arbacada booqasho ku tago magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa dalka Kenya Moi Kibaki oo hadda ku maqan magaalada Arusha ee dalka Tanzania halkaasi oo uu shirg ooga socdo wadamada ku bahoobay Bariga Afrika.

Socaalka madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa ahmiyad gaar ah u leh, waxaala la dhawrayaa in labada madaxweyne ay si saraaxad leh ooga wada hadlaan arimaha madmadowga soo kala dhex dhigay madaxda labada dal.

Marka laga tago Soomaalida dalkaasi, waxaa jira malaayiin kale oo ka soo qaxay Jamhuuriyadda isla markaana qaarna nabad galiyo iyo nolol ku haysta, qaarna ganacsi ku leh dalka Kenya, waxaana suuro gal ah inta madaxweynuhu uu joogo Kenya inuu booqasho gaaban ku bixiyo xeryaha Qaxootiga si uu ugu soo kuur galo nolosha dadka soo qaxay.

KismaayoNews.com

 

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweyne Axmed “Koowda Luuliyo Darteed dadka ha isu cafiyeen”
Mareykanka oo saamaxay Axmed Nuur Cali Jimcaale
Deegaanka Lafoole oo dad badan lagu laayay
Guddi cusub oo doorasho oo lagu dhawaaqay
Shirkii Golaha wasiirada Jubbaland oo looga hadlay dhulalka