Shirka Iskaashiga Turkiga iyo Carabta oo ka furmay Istanbul

Published: November 30, 2012

Kn:Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdullahi Cilmooge oo saaka ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waftiga ayaa ka qayb galaya Shir ku saabsan xiriirka iyo Iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya xubin ka tahay iyo dalka Turkiga kaasi oo ka furmay Istanbul. Xiriirka dalalkan iyo iskaashiga ka dhaxeeya ka sokow, waxaa sidoo kale looga hadli doonaa saxaafadda iyo sidii loo hormarin lahaa.

Socdaalka waftiga uu hogaaminayo wasiirka Warfaafinta, Eng. Cilmooge ayaa ku soo aadaya xili uu madaxweynaha iyo wafti uu hor kacayay ay dalka dib ugu soo noqdeen.

Waa wasiirkii 3aad ee dalka dibadiisa u aado shaqo qaran tan iyo intii la askumay golaha wasiirada ee tobanka ka kooban, waana wasiirkii koobaad oo socdaal ku taga meel qaaradda Afrika ka baxsan. Wasiirka Gaashaandhigga iyo wasiiradda Arimaha dibadda ayaa horay u galay socdaal dhinaca diblimaasiyadda ee dalalka jaarka ah.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Nin walaalkiis diley oo lagu qisaasay Galdogob
Video : Barnaamij Aljazeera ka diyaarisey Jubbaland iyo DF
Sheey-baar Nairobi ku yaala oo lagu baarayo meydka taliyihii geeriyoodey
Turkiga “%80 gargaarka Qaramada Midoobey ma gaaro Soomaalida”
Dad loo qabtay geerida taliyaha Police-ka