Kn: Hoolka shirarka Madina Mall, Islii, Nairobi barito galinka dambe waxaa lagu qabanayaa shir aanan loo kala harin oo ay qabanayaan dad u dhaqdhaqaaqa arrimaha dhalinyarada Jubbooyinka.
Dad kala duwan oo ay ka midyihiin musharixiin madaxweynenimo Jubbaland State ayaa hadalo ka jeedinaya, waxaana lagu taageerayaa maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirka oo lagu marti qaaday warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayaa sida uu noo sheegey afayeenka ururka Jubba Youth League Sharmaarke Wali waxaa lagu daahfurayaa midoow ay leeyihiin dhalinyarada goboladaasi.
Ururkani oo ah dhaqdhaqaaq dhaqdhaqaaq xoog badan oo muddo gaaban taageero badan ku kasbaday gudo iyo dibadba ayaa ka shaqo galay Kismaayo iyo meelo kale oo Jubbooyinka ka tirsan, iyadoo shirka barito ay imanayaan ergo degmooyinka ka socda.
KismaayoNews.com
| UGU DAMBEEYEY |
| FIIDSOOH : Riman iyo Ceeb |
| Madaxweynaha Jubbaland oo Kenya u duulaaya |
| Baarlamaanka oo la aamusiiyay |
| Ciidanka Jubbaland oo hawlgalay |
| Somalia and the slippery slope of ‘Jubbaland’ |