Shirkii Jaamacadda Carabta iyo Turkiga oo dhamaaday(+SAWIRO)

Published: December 1, 2012

Kn. Shirkii udhaxeeyay waddamada Jaamicadda Carabta iyo dalka Turkiga ee kasocday magaalada Istanbuul ayaa si wanaagsan kusoo dhamaadey iyadoo ay kasoo baxeen goaamo muhiim ah oo khuseeya xiriirka waddamada jaamicadda Carabta iyo Turkiga, shaqaaqooyinka ka taagan bariga dhexe gaar ahaan dalka Siiriya iyo arinta dalka Falastiin iyo sidii dawladaha Carabta iyo Caalamkuba ay kaalmo wax ku ool ah uga geysan lahaayeen dib udhiska dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa si guud waxaa loogu taageeray dawladda Soomaaliya waxayna madaxdii shirka isugu timid hambalyo udireen shacabka Soomaaliyeed doorashadii ay madaxda doorteen, dadaalka ay ugu jiraan iney dib ugu soo laabtaan caalamka iyo dastuurka ay sameysteen.

Wafti uu hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Eng Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo safiirka safaaradda dalka Turkiga ayaa shirkaas uga qaybgalay dalka Soomaaliya waxaana lagu wadaa in goaamada kasoo baxay ay yihiin kuwa Soomaaliya u roon waloow aan la ogeyn in balanqaadyadaasi ay biya dhigan doonaan iyo inkale.


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweynaha oo talaabadii koowaad u qaaday xagga Ra’isulwasaaraha
Maamulka Jubba oo la wareegey Kudhaa
Xamar : Sargaal tixo gabay ah mariyey oo la xirey
Xassan Sheekh : Go’aanka Ra’isulwasaaraha waa waxbo kama jiraan
FARDAMBE : Qorshaha iyo Qasadka laga lahaa isku shaandheynta