Dhalinyarada Jubbaland oo shirweyne ku taageerey maamul goboleedka

Published: December 2, 2012

Kn: Boqolaal qof ayaa kasoo qeybgalay shirweyne shalay ka dhacay Islii, Nairobi oo ay qabteen Jubbaland Youth League kaasoo lagu taageerey maamul goboleedka la dhisayo ee Jubbaland.

Gudoomiyaha JYL Khadar Buule oo hadlay waxa uu sheegey in dhalinyarada ay heegan u tahay isgarab istaaga maamulka loo dhisayo goboladda Jubbooyinka iyo Gedo, hadafkooduna uu yahay sidii loo heli lahaa nabad waarda, isdhaxgal loo sameeyo dhalinyarada iyo in waxbarashada.

Sharma’arke Wali oo ah afayeenka ururka ayaa ka sheekeeyey taariikhda ururka iyo marxaladihii uu soo maray iyo halka uu u jiheysanyahay oo ah midnimo ay gaaraan dhamaan dhalinta Jubbooyinka.

Shamso Xaaji Catoosh oo ka mid ah hawlwadeenada ururka ayaa buraanbur qiiro leh ka jeedisey shirka waxana ay baaq iyo cabasho ugu jeedisey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ay isweeydiisey waxa dadka reer Jubbooyinka ay ka haleeyeen madaxweynaha.

Dadkii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa siyaasiga Maxamed Amiin Cabdullaahi, Xildhibaan Shuuriye, Ugaas Dhaqane, Nabadoon Xaamud, Sahro Dable, Xaliimo Godane, Cumar Cabdishariid Cumar-Feen, Cumar Xassan Kabare oo madax ka ah jaaliyadda Waamo ee Waqooyi Amerika.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweynaha oo talaabadii koowaad u qaaday xagga Ra’isulwasaaraha
Maamulka Jubba oo la wareegey Kudhaa
Xamar : Sargaal tixo gabay ah mariyey oo la xirey
Xassan Sheekh : Go’aanka Ra’isulwasaaraha waa waxbo kama jiraan
FARDAMBE : Qorshaha iyo Qasadka laga lahaa isku shaandheynta