Kn: Dab aad ubadan ayaa ka kacay hadda suuqa magaalada Afmadow ee Jubada Hoose iyadoo dabkaasi gaysanayo khasaare badan gurya badanna ay gubanayaan hadda oo aan qoreyno. Lama oga sababta dabka dhalisey iyo khasaaraha uu geysanayo inta uu dhan yahay, balse waxaa wali socda dabkii iyo holicii. Magaalada Waxaa kamuuqda argagax iyo kala orod waxaana la isku dayayaa in la damiyo dabka.
Waxii kasoo kordha dib ayaan kasoo qori doonaa Insha Allah.