Kismaayo, qaraxyo la fashiliyay

Published: December 4, 2012

Kn:Magaalo xeebeedka Kismaayo, ciidamada amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay laba gaari oo ay ku rakibnaayeen walxaha qarxa.

Ciidamada amaanka ee magaalada oo maalmihii ugu danbeeyay ku raadjoogay laba gaari oo magaalada lagu sheegay ayaa maanta ku guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan ka hor inta ayna gaysan halaag iyo masiibo sababta dhimashada iyo dhaawaca boqolaal dad ah.

Wali faahfaahin dheeraad ah kama ayna bixin saraakiisha amaanka ee degmada Kismaayo, waxayna wali ku jiraan baaritaanno dheeraad ah iyo xog uruurin ay ka wadaan dadkii lagu soo qabtay baabuurta.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in gawaarida ayna banaanka uga imaan ee magaalada dhexdeeda lagu diyaariyay, lana qorshaynayay in lagu bartilmaameed sado goobaha ay isu imaanayaan ergooyinka maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Gedo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Culumo mudadii xabsiga u dhamaaday dalka Jabuuti
Wasiiro DF iyo Wafti IGAD oo la kulmey Barre Hiiraale
FARDAMBE : Kismaayo, horta koronkortu cusbo ma leedahay?
Sheeybaar lagu baarayay cudurka Ebola oo la xirey kadib markii shaqaalihii ay cudurka qaadeen
Video: Shaqaale sarsare oo iska casiley warbaahinta dowladda