Kismaayo u duul, Xamar ka duul

Published: December 5, 2012

Kn:Shirkadda diyaaradaha ee geeska Afrika (horn of africa airline) ayaa bilawday duulimaadyo joogta ah oo isku xiraya magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho.

Duulimaadyada shirkadda ayaa yimid kadib markii ay shirkaddu ka heshay dawladda Soomaaliya iyo ciidamada Amison dhamaanba ogolaanshihii ay u baahneyd.

Shalay ayay diyaaraddii ugu horaysay caasimadda ooga duushay Kismaayo, waxaana la filayaa inay noqdaan duulimaadyo joogta ah. Sidoo kale Shirkaddani waxay duulimaadyo ka bilaabaysaa magaalooyinka Baydhabo iyo Baledweyne.

Waa duulimaadyadii ugu horeeyay ee isku xira magaalooyinka waaweyn ee gobolada Koonfureed, horay waxay shirkaddani ugu khidmayn jirtay duulimaadyo isku xira caasimadda, Puntland, Somaliland iyo dalka dibaddiisa.

Shacabka Kismaayo ku dhaqan iyo bulshada Qurba joogta ee Jubbooyinka ka soo jeeda ayaa soo dhaweeyay talaaban ay shirkadda Afrikada Bari ku hirgalisay duulimaadyada joogtada ah.

KismaayoNews.com

 


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo ciidamada Itoobiya oo ka dhacay degmada Rabdhuure
Kenya: Cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay Magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya
Warshad biyo gelin ka sameynaysa Kismaayo oo xarigga laga jaray
Taliska ciidamada booliska Soomaaliya oo qalab ciidan ka gudoomay Talyaaniga
Video: Cudurka Kaduudiye oo baabkiisa la gelayo