Bakaaraha mise Qabuuraha

Published: December 6, 2012

Kn: Ereyga Bakaaraha waa wadarta Bakaar oo ah godka beeralayda ay ku keydsadaan haruurkooda, ama dalaga beeraha oga soo go’ay, marka si kale loo yiraahdana waa bakhaar dhulka hoostiisa ah oo wax soo saarka beeraha, run ahaantiina meesha bakaaraha loo bixiyey waxa ay ku sifoowdey ahaanshaha bakhaarka hantida Soomaalida intii muddo ahaydba.

Laakiin meeshani oo noqotey suuqa ugu weyn ee dalka ayaa isu badashay god ama xabaal sii qodan oo dad badan ay ku halaagmeen sanadihii lasoo dhaafay.

Dhibaatooyinkii ugu badnaa ee caasimadda waxa ay ka dhaceen bakaaraha, balse muddo sanad ayay xasilooni heshey kadib markii ay magaalada isaga baxeen kooxaha Alshabaab.

Waxaase hadda soo laabanaya dhibaatooyinkii, maanta 15 qof ayaa ku dhimatay, dad kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay qaraxday miino lagu aasay suuqa gudihiisa.

Dadkii ku dhintey waxa ay u badnaayeen haween iyo dad biromageeydo ah.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Somalia bets big on port and airport to resurrect war-wrecked economy :- Business Daily Africa
Wafti baarlamaanka Soomaaliya oo booqdey aqalka baarlamaanka Yurub
Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Prof, C/risaaq Hiirad Maxamed oo Booqday Machadka Ibnu Teymiya ee Degmda Carmo
Qof Soomaali ah oo ka dhintey K/Afrika, qarixii UNDP
Axmed Madoobe oo isbitaalka ku booqdey Raadaar