Farmaajo laga sameynayo caanaha Geela

Published: December 7, 2012

Kn: Shirkad caalami ah oo fadhigeedu yahay dalka Denmark oo soo saarta walxaha dhadhanka loogu yeelo cuntooyinka la warshadeynayo oo dabiici ah ayaa iyadoo iskaashi la samaynaysa shirkad laga leeyahay Kenya waxa ay wadaan mashruuc haddii uu hirgalo caanaha geela looga samaynayo Farmaajo ama xeerta warshadaysan ee la cuno.

Shikadan oo lagu magacaabo Chr. Hansen oo xarumo ku leh wax ka badan 30 dal, sidoo kalana soo saarta dawooyinka ayaa sheegtey in ay wado tijaabo haddii lagu guuleysto ay suurogal tahay in dad badan oo reer miyi ah ay si weyn oga manaafacaadaan caanaha geela oo noqon doona badeeco caalami ah oo aduunka dhan u baahnaan doono.

Waxa ay shirkadu qabtaa in caanaha geela ay leeyihiin dufan, borotiin, iyo kalshiyaam, kana manaafacaad badanyihiin caanaha looda, sidaasi darteed haddii Farmaajo laga sameeyo ay noqon karto arrin wanaagsan.

Dadka ka faa’iideysan doono waxaa ka mid ah xoolo dhaqatada Soomaalida ee Kenya iyo Soomaaliya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar
Weerarkii hey’adda Qaramada Midoobey ee UNDP iyo Amniga Qaranka
Daawo barnaamij ku saabsan kaalinta qurbajoogta ee gargaarka Jubbooyinka