Radio Shabeele oo la bood qaaday

Published: December 7, 2012

Kn: Idaacadda kicinta badan ee caasimadda ka hawlgasha ee Radio Shabeele ayaa wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in shirkad amaan oo gaar loo leeyahay ay burburisey darbigii xeendaabka u ahaa idaacadda oo had iyo jeeraale bartilmaameed u ah weeraro.

Idaacadda ayaa ku taala garoonka Aadan Cadde agtiisa, waxaana la sheegey in shirkaddan oo TIKA lagu magacaabo ay iska dhago martey codsiyo ka yimid maamulka idaacadda iyo mas’uuliyiinta dowladda qaarkood oo la sheegey in ay soo waceen.

Shabeele ayaa waxa uu khilaaf adag kala dhaxeeyaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo aad loo dhaliiley weerarada qaawan ee ay idaacadda ku qaado mas’uliyiinta iyo eedeymaha aan cadaynta loo heynin ee ay jeediso.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Warshad biyo gelin ka sameynaysa Kismaayo oo xarigga laga jaray
Taliska ciidamada booliska Soomaaliya oo qalab ciidan ka gudoomay Talyaaniga
Video: Cudurka Kaduudiye oo baabkiisa la gelayo
Golaha wasiirrada Jubaland oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay
Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay go’aankii madaxweynaha