Sanduuq caalami ah oo loo sameynayo ciidamada Soomaaliya

Published: December 7, 2012

Kn: Madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul ayaa ku baaqay in la sameeyo sanduuq dhaqaalo loogu uruuriyo ciidamada Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka dalka.

Waxa uu ka garab hadlayay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi, kadibna shir jaraa’id wada qabteen.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegey in ay tahay in la caawiyo Soomaaliya iyada oo aanan waxbo laga fileynin caawinta badalkeeda, ama in ay wax abaal gud ah sameeyso.

Turkiga ayaa markale balan qaaday in uu Soomaaliya garab istaagi doono, iyada oo dhamaan mashaariicda uu Africa ka wado ay Soomaaliya galayso kaalinta koowaad.

Qorshahani sanduuqa caalamiga ah ayaa ah mid aad loogu guuxey, Soomaaliyana ka caawin doona in aysan mushaaraad u waayin ciidamada qeybaheeda kala duwan iyo agabka ay u baahanyahay, taasina ay keento in amaanka la sugo gabi ahaantiis.

Horey waxa ay dowladda ku tiirsanayd deeq bixiyeyaal shuruudahooda badanyihiin, islamarkaasina talo iyo go’aano ku leh hawlgalada amaanka dalka, sirta dalkana iyaga gacanta ku haya.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Qarax ka dhacay Yoontooy
Gudoomiyaha maxkamadda sare, Caydiid Ilka Xanaf oo xilka laga qaadayo
Cabdiwali “Anigaa garoonka u sagootiyey madaxweynaha, maalmahan soo socdana xal ayaa imanaya”
Ciidamada Jubba oo u dhaqaaqay dhanka Jilib
Biyo la’aantii waxaa ku darsantay fatahaad