Yuusuf Xassan oo isbitaalka yaala

Published: December 7, 2012

Kn: Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno Islii waxa ay sheegayaan in xildhibaan Yuusuf Xassan uu ku jiro toboneeyo qof oo ku dhaawacmey qarax ka dhacay masaajidka Al-Hidaaya oo uu imaam ka yahay Sheekh Maxamuud Shibli.

Dad ka agdhaw Xildhibaanka oo shabakaddani u waramay ayaa noo xaqiijiyay in xildhibaanka uu dhaawac ka soo gaaray qaarka hoose, dhaawaciisuna uu yahay mid aan khatar ahayn. Dhaawaca waxaa kamid ah darawalkii Xildhibaanka, kaasi oo la sheegayo inuu qaraxa ku waayay mid kamid ah lixaadkiisa, labada lugood midkood.

Waxaa ayana jira dhimashada 2 ruux oo midkood uu walaale layahay mid kamid ah dadka dhaawacmay kuwooda ugu  culus. Hooyada dhashay labada wiil ee midna dhintay midna dhaaca halista ah qabo ayaa sidoo kale la sheegayaa inay nafteedu halis ku jirto.

Marka laga tago xildhibaanka ilaa iyo hadda mahayno magacyada dadka wax ku noqday weerarka qaraxa ah marka laga reebo Cumar Rashiid Cumar Feen, waxaanse ku dabajirnaa inaan xog dheeraad ah ka helno aqoonsiga dadka masiibadu ku habsatay.

Sheekh Shibli oo ahaa Imaamka Masaajidka qaraxa lagu weeraray ayaa naloo sheegay inuu Illaahay garab mariyay oo uusan waxba ku noqon.

Yuusuf ayaa maalmahan hadalo ka jeedinayay masaajidada Islii isagoo ka hadlayay arrimaha amaanka, waxaana maanta salaaddii jimcaha kadib uu khudbad ka jeediyey masaajidka wadada 12aad.

Qalqal badan ayaa ka jira magaalada, iyadoo lasoo sheegayo in meelaha qaar ay rasaas ka bilaabatay, iyadoo dhawaqa gawaarida Police-ka la maqlayo.

Galgal aan ka samaynay inaan wax ka ogaano baaritaanada hordhaca ah ee lagu samaynayo falka foosha xun ee lagu bartilmaameedsaday Xildhibaanka kaliya ee Soomaaliga ka ah xildhibaanada kasoo gala magaalada Nairobi ayayna noo suuro galin, ayadoo ay soo baxayaan farfiiqyo dhinacyo kala gadisan ku waajahan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dadka tabashada qaba waa in la soo dhaweeyo shirkana lagu soo biiriyo”
Soomaalida Maraykanka oo codsanaysa cunto Xalaal ah
Sanbaloolshaa la i dhahaa, waxaan ku sugnahay Kismaayo
Farriin ku socota KismaayoNews
Arrimaha sidaas ayay u cakiranyihiin, “Sidee ? ”