Jubbooyinka oo Gedo ka tashanaya

Published: December 9, 2012

Kn: Kadib markii ay soo baxday diidmo culus oo ka imanaysa gobolka Gedo ee ku aadan maamul u samaynta Jubbooyinka ayaa waxaa abuurmey dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in labbada Jubba ay ka tashadaan gobolka Gedo maadaamaa kaligood ay isku filanyihiin xagga dhismaha maamul goboleed.

Dastuurka waxa uu qabaa in labbo gobol iyo wixii ka badan ay dhisan karaan maamul goboleed, waxaase muddo dheer la doonayay in sedexda gobol la mideeyo oo ay hal maamul yeeshaan.

Laakiin arrintaasi oo ay jirtey dad badan oo diidadaa oo kasoo jeeda Jubbooyinka, balse sanka laga galinay ayay hadda u muuqataa in dadka Gedo iyaguna aysan ku qanacsanayn maamulka Jubbaland.

Shalay waxaa hadlay mas’uuliyiin sarsare oo gobolka Gedo ka tirsan, kuwaasoo bareerahooda cadeeyey, sheegeyna in aysan dooneynin in maamul goboleed Jubbaland la dhiso.

Horey waxaa u jirey guux iyo lug jiid ka imanayay hogaamiyeyaasha gobolka Gedo.

Haatan markii ay arrintani ay cadaatay waxaa jira dalabyo ka imanaya shacabka Jubbooyinka oo ah in aanan loo xayirnaanin dad aanan diyaar ahayn, islamarkaasina la xiran meelo kale oo aanan maamulka taabacsanayn.

Dadka reer Gedo waxa ay iyaguna soo jeedinayaan in gobolkooda oo ah kan Soomaaliya ugu weyn loo kala gooyo labbo gobol, sidaasina ay ku dhistaan maamul goboleed la magacbaxay “Gedo Riman State“.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Labo mas’uul oo loo magacaabay garoonka Kismaayo
Kiis-Baar : Xalane , Ra’isulwasaaraha xiga
Xukuumadda oo gef lagu heley, madaxweynaha oo cuskanaya
Baarlamaanka oo maraanmaray Ra’isulwasaaraha
Olole qorista iyo akhrinta farta Soomaaliya oo la qorsheynayo