Kn: Magaalada Baydhabo waxaa lagu xirey dhowr sargaal oo ka tirsan Qaramada Midoobey kuwaasoo lagu heysto wadashaqayn ay la lahaayeen xarakada Al-Shabaab
Waxaa ugu dambeeyey oo la xirey, Idiris Cabdi oo ka mid ah madaxda hey’adda FAO ee cunada ee Qaramada Midoobey.
Waxaa la sheegey in saraakiishani ay caawinayeen hawlgalada Alshabaab ee gobolada Bay iyo Bakool, sida uu sheegey Mahad Cabdiraxmaan oo ka mid ah taliyeyaasha ciidamada dowladda ee Baydhabo ku sugan.
KismaayoNews.com