Jaaliyadda UK ee J/Land oo qaabishey Xildhibaan Shuuriye

Published: December 10, 2012

Kn: Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda Jubbooyinka oo maalmahan meelo kala duwan aduunka ku marayay, ayaa gaaray magaalada London ee UK.

Halkaasi ayaa waxa uu kulamo kula leeyahay jaaliyadda halkaasi ku dhaqan oo uu oga xog waramayo xaaladda uu dalka ku jiro, iyo jihada uu hadda dalka wajahayo.

Xildhibaanka ayaa habeen dambe casho sharaf baalaran loogu samaynayaa London, halkaasi oo dad badan ay kasoo qeybgali doonaan kulankaasi.

Maxamed Shuuriye ayaa isku dayaya in uu uruursado afkaaro badan si marka uu baarlamaanka ku laabto uu oga turjumo dareenka dhabta ah ee dadka iyo rabitaankooda.

Waxa uu dhankiisa dadka fahamsiin doonaa in dowladda ay tahay mid ay iyaga wax ku leeyihiin oo ay yihiin saamileyaal aanan cadkooda la duudsiin karin, sidaasi darteedna waxa la doonayo loo maro dariiq haboon oo dowladda dhexdeeda ah.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ku dhawaad 100 qof oo ku geeriyooday dhul-gariir ku dhuftay Indonesia
60 ruux oo Yemeni ah oo dooni la anbatay
Telefishanka Aljazeera oo loo diiday inuu tebiyo shirka GCC
Video : Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyey Jubaland TV
Xildhibaanada federaalka ee Jubbaland oo fadhigooda loogu imanayo