Marxaladihii dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Dadaaladii Beesha Caalamka, Qeybtii 3 WQ Bishar Haji

Published: December 10, 2012

Qormadeena maanta waxaan ku soo qadan doonaa qaar ka mid ah Jalaaftooyinkii Rajiimkii Sh. shariif Sh Ahmed u dhigay dadaaladii soomaalida iyo beesha-caalamka ee ku wajahnaa soo celinta qaranimadii Soomaaliya iyo weliba hanaankii dib u heshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Jalaafooyinkii Maamulkii ku meel gaarka ahaa ee Sh. shariif uu kala hortagay geedisocodka nabadda soomaaliya waxaa ka mid ahaa in Sh. Shariif si toos ah oo aan ka leex-leexad laheyn u taageeray Al-shabaabka Jubaland (Gedo, Jubada-hoose iyo dhexe). Sh. Shariif ayaa ku dadaalay wixii tabartiisa ah fashilinta abaabuladii shacabka Jubalaand ee ka dhanka ahaa ururka Al-shabaab isaga oo adeegsanaya awoodiisa madaxtinimo.

Qorshaha Madaxweyne Shariif ayaa ahaa in maanta oo ay maalmo naga xigaan sanadda 2013-da Shabaab ka taliyaan deegaanada Diif iyo Dhobley.

Madaxweyne Shariif ayaa dhinaca kala waday dadaalo maamul loogu sameynayo gobolada qaar oo aan weliba buuxunin shruuda laga rabo, isaga oo laba u qeybiayay Gobolka Hiiraan si maamul gobolee d loogu sameeyo. Arinkan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay quluubta dadka ku dhaqan deegaanada Jubaland, oo shaki weyn ka qaaday dowlada fadhigeedu yahay Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa bilihii ugu dambeeyay ee sanadkan 2012-ka maalmo yar ka hor doorashooyinkii dalka magac’aabay Degmooyin badan, waxaa ugu dambeeyay tuulooyinka Jameeco-Jiyaale iyo Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabeelada-dhexe iyo tuulada Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lagu dhawaaqay 20 August 2012-ka oo ah xili madaxweynuhu mandate-kiisu dhamaaday.

Talaaboyinkaas ma aheyn kuwa waaqafsan sharci, maadama waqtiga u harsanaa rajiimkii Sh.Shariif uu gabaabsi ahaa, dhinaca kale marka la xeeriyo awooda dowlad ku meel gaar ah u leedahay wax ka bedelka soohdimaha gobolada dal 40afartan soano wax ka badan xor ahaa ,

Dhinaca kale fadhigii golaha waziirada ee uu shir gudoominayey Raiisul wazaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku tilmaameen sharci daro Degmooyinka cusub maadaama aan loo marin magcaabidooda hab qaanuuni ah, go’aankii hore ee lagu heshiiyay ayaa dhigayey in laga bilaabo 1 Julaay ilaa 30 Ogosto inuusan madaxweynuhu soo saari karin waxa sharci ah,

Warbaahinta Sh. Shariif ayaa maalinkaas baahisay in Madaxweynuhu degmooyinkan kala magc’aabay 16 Febraayo & Juun, 2012-ka, laakiin la shaaciyay oo keliya maalinkaas ( 20 Aug 2012 ). taasoo u muuqatay in Sh. Shariifku isticmaalay xeelad farsamaysan oo lagu dhinac marayo go’aanka golaha waziirada , maadama xiliga lagu taariikhayey magcaabidda degmooyinkan ay tahay wakhti hore, dhnkii la doono ha loo dhigo waa dhaawac loo geystay dib u heshiisiinta iyo bililiqo farsameysan.

Lasoco qeybta xigta haduu Alle idmo
Bishar Haji, B.haji114@hotmail.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabdulle Biroole, Ninba ceesaantiisa ceel geysa
Madaxweynaha Kenya oo badalay taliyeyaal ciidan oo oga baqdin qabay kurisgiisa
Heshiis maamul loogu dhisayo gobolada dhexe oo la saxiixay
Erdogan oo celinaya abaalmarin qolo Yuhuud ah horey u siisey
Video : Daanyeero sarqaansan dalka Kenya