Kn: iyada oo xaafadda Islii laha bilaabay raaf culus oo lagu hayo dadka sharci darada ah, ayaa Ra’isulwasaaraha Kenya Raila Odinga waxa uu sheegayaa in taasi oo kaliya aysan ku filneyn xasiloonida dalka.
Waxa uu sheegey in markani la gaaray xiligii la celin lahaa qaxootiga sida ay u dhanyihiin, isagoo ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan qaraxyada iyo amaan darada dalka ka dhacda.
Waxa uu sheegey in uu isbitaalka kusoo booqdey Xildhibaan Yuusuf Xassan oo qarax lagu dhaawacay, islamarkaasina xaaladiisa ay aad u darneyd, ayna tahay mid aanan loo dulqaadan karin.
KismaayoNews.com