Yuusuf Xassan oo la diiwaangaliyey

Published: December 10, 2012

Kn: Gudiga doorashooyinka Kenya ayaa maanta isbitaalka ugu tagay xildhibaan Yuusuf Xassan iyagoo halkaasi kusoo diiwaangaliyey.

Diiwaangalinta codbixeyeyaasha ayaa waxaa ka dhiman labbo maalmood oo kaliya, iyadoo dadka u tartamaya doorashooyinka uu ka midyahay xildhibaanka oo ku dhaawacmay qaraxyo lala eegtey masaajid uu ku tukanayay.

Dhanka kale wiil kale ayaa ka dhintey oday Soomaaliyeed oo labadiisa wiil ay ku dhaawacmeen qaraxyada xili ay salaamayeen xildhibaanka isagoo ku yiri “Adeerkiin waanaaye salaama”. Mar saxaafadda ay gurigooda ku booqatay ayuu odaygani ka gaabsaday in uu war siiyo.

Warar soo baxay oo ahaa in xildhibaanka loo qaado isbitaal dibada ah ayaanan wali kala cadayn xaqiiqdooda, laakiin maanta markii la diiwaangalinayay waxa uu ahaa mid aad usoo kabsaday.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe oo yimid Nairobi
Muwaadhiniinta K/Afrikaanka ah ee lagu diley Soomaaliya oo tiradoodu korortey
Government condemns senseless attack on UN
AMISOM condemns attack on UNCC compound in Mogadishu
Muuqaladda sidii wax u dhaceen maanta Xamar