Kn: (Sandiego, USA): Gabar lagu magacaabo Nimco Cali Yuusuf oo qiratay in ay Alshabaab u uruurisey, una dirtey lacag gaareysa $1450 doolar ayaa lagu xukumey 8 sanno oo xarig ah.
Waa qofkii labaad oo maanta Maraykanka xabsi sanooyin badan lagu xukumo taageerista Alshabaab.
Gabahdan oo 26 jir ayaa qoyskeeda magangalyo laga siiyey Maraykanka sanadkii 2001 dii.
Garyaqaanka u doodaya waxa uu codsaday in lagu xukumo 5 sanno oo kaliya, maadaamaa uu sheegey in lacagta ay u dirtey saaxiibadeed oo Soomaaliya ku noolaa si ay nolosha isaga dabaraan.
KismaayoNews.com