Madaxweynaha oo ka baaqday safarkii Kenya

Published: December 11, 2012

Kn:Wararka aan ka helayno aqalka madaxtooyada ayaa tibaaxaya inuu baaqday safar ay dalka Kenya ku tagi lahaayeen maalinta Barri ah wafti uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud hogaaminaayo.

Baaqashada waftiga Madaxweynaha ayaa lagu macneeyay in ay salka ku hayso xiriiriyihii ahna masuulka isku hawlayay inuu isu soo jiido oo is faham dhex dhigo madaxda labada dawladood, xildhibaan Yusuf Xasan uu isbitaal u yaalo dhaawac ka soo gaaray qaraxyo lala beegsaday.

Booqashada madaxweynaha ayaa dib loo dhigay ayadoon wali la isla gaarin taariikh cayiman oo madaxweynuhu uu Booqasho u tago dalka Kenya.

Xildhibaanka Soomaalida ee laga soo doorto deegaanka ay ka mid tahay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan  ayaa sida ay noo sheegeen wararka aan ka helayno xafiiska madaxweynaha aad isugu taxalujinayay in wadashaqayn dhab ah ay dhex marto labada dawladood ee dariska ah isla markaana meel la iska dhigo khilaafaadka aan macnaha buuran lahayn ee laga talaabsan karo.

Socdaalka wafuudda madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ee baaqday masalada ugu badan ee lagu sababeeyay baaqashadeeda ayaa ah dhaawaca Rugta caafimaadka loo dhigay Xildhibaan Yusuf Xasan oo ahaa xiriiriyaha labada dal ama u kala dabqaadaha labada hogaamiye.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay wafdi Jaamacada Carabta ka socday
Madaxa howlgalka AMISOM oo digay weerarro uga imaada Al Shabaab
Madaxweyne Ku xigeenka Ciraaq oo qudbad ka jeediyay golaha Baarlamaanka Soomaaliya
Madaxweyne Xasan oo xaruunta madaxtooyada ku qaabilay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq
Ciidamada Badda Soomaaliya oo maanta dabaal degay