Kn: (Chicago, USA) Magaciisu waa Shaker Masri, 29 jir, maanta maxkamad ku taala dalka Maraykanka waxa ay ku ridey xukun ku dhow 10 sanno xarig ah, sababtuna tahay isagoo qorsheeynayay in uu Soomaaliya aado.
Waxa uu damacsanaa in uu is qarxiyo isagoo jihaad doon ah sida uu isagu qirtey, una sheegey tiftif FBI u shaqeeya.
Dacwadiisa 2 sanno ayay socotey, bishii Luuliyo ee sanadkani ayuuna qirtey in uu damacsanaa in uu taageero siiyo Alshabaab oo Soomaaliya ka hawlgasha.
KismaayoNews.com