2 nin oo qarxin lahaa qadka tareenka Bonn, Jarmalka oo la qabtay

Published: December 12, 2012

Kn: Rag Soomaali ah oo la sheegey in ay miinooyin ku xireen mahadada tareenka bulaacado hoosmara ayaa la qabtay, magaalada Bonn ee dalka Jarmalka.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Cumar iyo Cabdirisaaq ayaa laga kala qabtey meel Internet Cafe ah iyo Meel buundo ah kadib markii laga aqoonsaday kaamaro qadka tareenka ku xirneyd.

Police-ka waxa ay heleen boorso ay ku jiraan waxyaabaha qarka, meel qadka tareenka ah, waxaana boorsada furey aalad adimo leh, kaamarooyin halkaasi ku xirnaa oo dib loo daawdeyna waxaa laga arkay muuqaalada labadan nin ee Soomaaliyeed oo aanan la ogeyn waxa ay ka ag qabanayeen meesha boorsada laga heley.

Labadan nin oo horey mar loo xirey sanadkii 2008dii iyagoo duulimaad u raacaya dalka Uganda si ay qorshayaal u fuliyaan, ayaa waxa ay ku jireen diiwaan dad ah oo isha lagu hayay.

Waxaa xireygii ugu dambeeyey dacwado la xiriira argagixisada oo todobaadkan meelo kala duwan oo aduunka ka biloowdey tan iyo intii uu xilka markale ku guuleystey Barack Obama.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Labo mas’uul oo loo magacaabay garoonka Kismaayo
Kiis-Baar : Xalane , Ra’isulwasaaraha xiga
Xukuumadda oo gef lagu heley, madaxweynaha oo cuskanaya
Baarlamaanka oo maraanmaray Ra’isulwasaaraha
Olole qorista iyo akhrinta farta Soomaaliya oo la qorsheynayo