Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Kenya

Published: December 12, 2012

Kn: Sidii aan idiin balanqaadneyba, halkan waxaan idiinkugu soo gudbineynaa warbixin gaaban oo la xiriirta sababaha markii labaad baajiyey safarkii uu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ku tagi lahaa dalka Kenya ee dariska la ah Soomaaliya, ciidamana ka joogaan gudaha dalka.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo aad oga duwan madaxweynihii hore Sheekh Shariif xagga safarada dibadda inta illaa iyo hadda laga bartay madaxweynahan cusub, ayaa hadane wadamada uu booqdey waxaa xusid mudan in ay dhamaantood yihiin kuwa Soomaaliya ugu dhow, ee lagu tilmaami karo waa saaxiibada ugu weyn iyo dariska.

Waxa uu booqdey Jabuuti, Ethiopia, Uganda iyo Turkiga, waa labbo saaxiib iyo labbo daris oo misna midna saaxiib yahay, midna walaal, saaxiib iyo darisnimo isku darsaday.

Qodobka ku saabsan in uusan Kenya tagin oo ah kan aan halkan ku falanqeeyneyno, ayaa xiiso gaar ah leh, faahfaahina ka bixinaya sida ay wax u jiraan iyo sababta ay leeyihiin.

Kenya iyo madaxweynaha cusub waxa ay isku dhaceen ka hor xitaa intii uusan xilka la wareegin, Kenya waxa ay noqotey dalkii ugu horeeyey ee wafti heer wasiir ah u dira Soomaaliya markii la doortey madaxweynahan cusub, markaas ayayna ahayd markii ay isku dhaceen.

Kenya waxa ay dooneysey in madaxweynaha uu Ra’isulwasaare u magacaabo Dr. Cabdiwali Cali Gaas, waase uu ka diidey, iyadoo la sheegey in hadalo kulul ay dhexmareen wasiirkii halkaasi tagay iyo madaxweynaha, waa tii markii dambe wasiirka uu Soomaaliya ku eedeeyey in ay iyadu soo maleegtey qarixii ka dhacay hoteelkii ay shirka jaraa’id ku qabanayeen ee Xamar.

Mar laga joogo labbo todobaad qiyaastii, waxa uu madaxweynaha Kenya u direy wasiiradda arrimaha dibada Foowsiyo Xaaji Aadan oo markii ay la kulantay wasiirka arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri warfidiyeenada u sheegtey in martiqaad rasmi ah ay ka heshey dowladda Kenya oo ah in uu madaxweynaha booqdo Kenya.

Markii uu madaxweynaha kasoo laabtay Turkiga oo uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegey in uu Kenya booqan doono, islamarkaasina xiriirkooda wanaagsanyahay.

Su’aal BBC-da weeydiisey oo ahayd arrimaha Jubbaland ayuu yiri “Jubbaland waa qeyb Soomaaliya ka mid ah, dalkuna waa mid madaxbanaan, Kenya iyo IGAD-na waa na caawinayaan”.

Ismaandhaafka ugu weyn ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo Kenya ayaa ah arrinta maamul u samaynta Jubbaland, inkasta oo uu la’yahay meel uu ka maro IGAD oo maamulkani riixeysa, ayuu madaxweynaha waxa uu u arkaa in Kenya ay dooneyso maamul ay iyadu saameyn badan ku leedahay, kana madaxbanaan dowladda dhexe.

Booqashada uu Kenya ku iman lahaa waxa ay baaqatay kadib markii uu dhaawacmay xildhibaan Yuusuf Xassan oo waanwaan ka dhex waday madaxda labada dal, la’aantiisana aysan wax badan qabsoomeynin.

Madaxda Xamar fadhida ayaa waxa ay aad isha ugu hayaan doorashooyinka Kenya ka dhacaya bisha Maarso oo ay guuldareeynayaan in haddii xisbiyadda qaar ay guuleystaan ay isbadli doonto siyaasadda Jubbaland lagu samaynao, sidaasi darteed illaa mudadaasi dib loo dhigo arrimaha maamulka lagu sameeynayo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Xildhibaanada oo loo qorey waardiyeyaal, lacagtana iyagaa iska bixinaya
Ethiopia : Jubbaland waa sidii ilmo yar oo kale, xanaano ayay u baahantahay
Qaramada Midoobey oo beenisey in ay ka baxayso Soomaaliya
Nocholas Kay “Soomaaliya waan ka baxaynaa”
Nadiif Jaamac oo waayay kursiga barasaabka Gaarisa