Maraykanka iyo Alshabaab

Published: December 12, 2012

Kn: Sidii aan idiin sii balanqaadnayba, qormadani waxaan kaga hadlaynaa isbadal ku dhacay siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Alshabaab.

Tan iyo intii dib loo doortey madaxweynaha Maraykanka Barack Obama waxaa isbadal xoog badan ku yimid siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Alshabaab iyo kooxaha argagixisada, waxaa si rasmi ah u biloowdey olole cusub oo lagu taxaabayo qof kasta oo maalin uun lagu tuhmey ka mid ahaanshaha amaa taageerista kooxahaasi, iyadoo aanan loo eegeynin cadaymaha lagu hayo sida ay u xooganyihiin iyo sida ay daciif u yihiin.

Waxaaba jira dad aanan sanooyin far la saarin oo isha lag hayay in hadda la qabtay, iyadoo kuwa kale oo sanooyin dacwadooda jiitamaysay xabsiyo dhaadheer lagu xukumey, mana ahan oo kaliya dalka Maraykanka ee sidoo kale aduunka daafihiisa, iyadoo dhacdadii ugu yaabka badneyd ay ahayd in maanta dalka Australia magaalada Melbourne lagu xirey nin sababtuna ay ahayd in gurigiisa laga heley nuqul ka mid ah majalad ay soo daabacdo Al-Qaadicada gacanta Carbeed (yemen), dhowr dacwad ayaa lagu soo oogey, kuwaasoo midiiba lagu muteysan karo 15 sanno oo xarig ah.

Hoos waxaan ku taxaynaa dhacdooyin maalmahan aan tabineyney oo arrimahan la xiriira kuwaasoo sawir kaa siinaya isbadalka dhacay

1. 2 nin oo qarxin lahaa qadka tareenka Bonn, Jarmalka oo la qabtay
2. Cumar Xamaami saaxiibkiis iyo nin Soomaali ah oo lagu xirey Maraykanka
3. Soomaaliya inuu aadi rabay wuxuu ku muteystey xabsi 10 sanno ah
4. Haweeney lacag u dirtey Alshabaab oo 8 sanno lagu xukumey

Mar aanan sii fogeyn waxaan tabiney dalka Britain wiil jinsiyadda dalkaasi lagala noqdey, isla dalka Maraykanka nin Soomaali ah oo la xukumey.

Bishii hore taboyaaqadeedii Garyaqaanka guud ee aqalka shanta geesood ee militariga Maraykanka looga taliyo ee Pentagon-ka, waxa laga soo xigtey isaga oo leh “Maraykanka waxa uu soo afjarayaa la dagaalanka argagixisada”, arrintani waxa ay Maraykanka ka abuurtey dood badan.

Waxayna u badantahay in Maraykanka oo dalal uu dagaalo kaga jiro ciidamadiisa kala baxayo in uu soo afmeerayo dacwadaha aanan wali go’aanka laga gaarin ee jirey, si marka dagaalkani uu dhamaado aysan usii jirin wax qabyo ah.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Baarlamaanka oo ka doodaya doorashooyinka 2016-ka
Cali Khaliif iyo Saado Cali oo kuraastoodii baarlamaanka la buuxiyey
Maamulka Jubba oo samaynaya maxkamadda ciidamada
Ciidamada Jubba oo soo qabqabtay dagaalyahano Alshabaab
Dowladda dhalinyaro badan ku halaloobineysa Ciraaq