Fooneeyeyaasha Halow-Halowga ee xerooyinka oo la xirayo

Published: December 13, 2012

Kn: Keya waxa ay dhagaysatay xiriir xagga isgaarsiinta ah oo dhexmaray kooxaha Alshabaab oo kala jooga Dhoobleey iyo Xerooyinka, iyadoo la isticmaalayo isgaarsiinta fooneeyeyaasha.

Dadka ka hadlaya waxa ay balanqaadayaan abaalmarin 8 kun oo doolar ah qofkii soo dila nin ka tirsan ciidamada Kenya.

Macalin Maxamed waa taliyaha biliiska Gaarisa, shalay waxa uu ka hadlayay musaanabadda maalinta Jamhuuri Day ee ay xoriyadda qaadatay Kenya oo 49 sanno laga joogo, waxa uu dadkii uu la hadlayay u sheegey in isgaarsiinta ganacsi ahaanta loogu heysto xerooyinka ay xiri doonaan, koontarool badana ku samayn doonaan.

Waxa uu intaasi raaciyey in markani aanan dowladda laga dul shixi karin, ayna heshey qalab casri ah oo ay ku dhagaysan karto isgaarsiinta.

Dhawaan magaalada Nairobi guddi imtixaam ka qaadaya 3 nin oo u loolamaya xilka ugu sareeya ee hey’adda warxun geyska ee CID-da waxa ay sheegeen in ay taageersanyihiin dhagaysiga noocyadda kala duwan ee isgaarsiinta, inkasta oo ay sharci darro tahay qaanuun ahaan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Joowhar, Biseyl siyaasadeed oo Dahabi ah
Wakaaladda Faaf-Reebka aflaanta Hindiya oo joojisey filim ku saabsan dilkii Indira Gandi
Maraykanka : Daacish ma ahan wax aan ebedkeen aragnay wax la mid ah
Xamar : Meel carruurta dhaqan-celin loo geeyo oo lagu bah dilo
“Waxaan ahay Xassan Xanafi”