Puntland oo leeysay burcad badeed

Published: December 13, 2012

Kn: Ciidamada badda Puntland waxa ay dileen 3 ka mi ah kooxaha burcad badeeda xili ay saanad u wadeen markab laga leeyahay dalka Panama ee Latin Amerika oo la heysto muddo 2 sanno ku dhow.

Dooni dheereysa oo waday cunno iyo rasaas ayaa waxa iska hor imaad uu dhexmaray ciidamada badda ee Puntland, oo laakiin aysan u suuroobin in ay gabi ahaanba qabtaan, waxa ay dilleen 3 burcadda ka mid.

Halwgalka waxa uu ka dhacay agagaarka xeebta Garacad oo lagu heysto markabka MV Iceberg. Iyada oo burcadda ay iska caabin samaysay, meeshana ka baxsadeen.

Dhanka kale warbixin kasoo baxday gudi la dagaalanka burcad badeeda Britain oo uu ku xusanyahay Ra’isulwasaaraha Bitain David Cameroon ayaa lagu sheegey in aduun dhan $3 boqol oo milyan oo doolar ay heleen burcadda madaxfurasho ahaan tan iyo sanaddii 2008dii, halka ay afduubteen illaa 70 markab, 300 boqol oo weerarna ay qaadeen.

Waxa warbixinta lagu sheegey in maraakiibta iyo dowladaha looga digayo in ay lacag madaxfurasho ah siiyaan burcadda, taasi oo ay sheegeen in ay dhiirogalineyso dhibaatada jirta.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Nin walaalkiis diley oo lagu qisaasay Galdogob
Video : Barnaamij Aljazeera ka diyaarisey Jubbaland iyo DF
Sheey-baar Nairobi ku yaala oo lagu baarayo meydka taliyihii geeriyoodey
Turkiga “%80 gargaarka Qaramada Midoobey ma gaaro Soomaalida”
Dad loo qabtay geerida taliyaha Police-ka