Ra’isulwasaaraha Hindiya iyo burcad badeeda Soomaaliya

Published: December 13, 2012

Kn: Ra’isulwasaaraha dalka Hindiya Manmohan Sighn ayaa la sheegey in shaqsi ahaan uu soo dhexgalay shaqaaqo ku saabsan badmaaxiib badan oo dalkiisa u dhashay oo lagu heysto xeebaha Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah kuwa saaran markab bishii Maarso ee sanadkan ay burcadda ka afduubteen xeebaha Camaan oo lagu magacaabo MV Royal Grace.

Waxa uu u saaray guddi wasiiro ah, iyadoo xiriiro lala sameeyey dowladda Soomaaliya.

Doodo la geeyey baarlamaanka dalkaasi ayaa si joogto ah looga hadlayaa lahaystayaasha dalkaasi u dhashay, iyadoo xildhibaanada qaar ay soo jeedinayaan in halwgal militari lagu soo furto lahaystayaasha.

Ergeyga Hindiya u fadhiya golaha amaanka ee Golaha loo dhanyahay ninka lagu magacaabo V D Sharma ayaa sheegey in burcad badeednimado ay tahay halis-geeriyaad, ayna tahay in wax laga qabto.

Wuxuu ka hadlayay kulan looga hadlayay badaha iyo qaanuunka baddaha.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Qodobo laga soo Kasoo Baxay Shirka Hiigsiga Cusub oo Maanta Muqdisho Kusoo Gabogaboobey
Puntland : Dowladda federaalka waxa ay heysataa dastuur aanan ahayn kii lagu heshiiyey
Ka doodista dastuurka Jubbaland oo wali ka socota Kismaayo
Nin Aar ku diley Zimbabwe oo Maraykanka ku dhuumaaleysanaya
Kumaa Bari Taaraya Xaliimo Yareey ?