“Soohdinta Ijaaraa waxay wabiga Tanna Bartankiisa” Yuusuf Xaaji

Published: December 13, 2012

Kn: Wasiirka gaashaandhiga Kenya, ahna xildhibaanka laga soo doorto degmada Ijaara ayaa sheegey in soohdinta degmada Ijaara ay tahay in la mariyo bartamaha wabiga Tanna, iyadoo ay khalad tahay in wabiga loo jirsiiyo meel 3 kiilo mitir u jirta.

Waxa uu maanta ka horhadlayay guddi heer qaran ah oo baarayay rabshadihii ka dhacay degmada Tanna River oo isaga lagu eedeeyey in uu qeyb ku lahaa maadaamaa lo’ uu isagu leeyahay halkaasi daaqsimeysay, taasi oo uu diidey.

Degmada Ijaaraa oo ah degmo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa waxa ay sidoo kale caasha ku heeysaa badweynta Hindiya waloow dadka deegaanka ah qaab siyaasadeysan looga hor istaagay in ay badda manaafacaadsadaan, laakiin tan iyo intii uu xilka qabtay Yuusuf Xaaji ayaa dadka waxa ay si isa soo taraysa u raadsanayaan manaafacaadka badda iyo wabiga.

Dadka oo markii hore u badnaa dad raacato ah, sidaasi darteedna aanan baahi badan u qabin badda iyo wabiga ayaa hadda sanadihii ugu dambeeyey waxa ay qaarkood noqonayeen dad beeralay ah, iyo qaar kaluumeysato ah.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Wadahadalo Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo Jabuuti ka furmaya
Video : Nicholas Kay “Afti Ayaa Loo Qaadayaa Dastuurka Sanadka 2015-ka”
Video : Suldaan Jabhadaynaya Somaliland
Diisoow, ciyaaro dhaqameedka Waamo oo laga oogey Kismaayo
Soomaali iyo Masai falaaro iyo warmo isku laayay