Kn: War hadda soo dhacay:Idaacadda Bar-kulan oo maalmo ka hor laga daaray gudaha magaalada Kismaayo ayaa maanta albaabada loo laabay.
Wararka aan helayno waxay tibaaxayaan in Idaacaddu ruqso la’aan ay magaalada ka hawlgashay, taasina ay tahay sababta albaabada loogu laabay. Qaybaha ku shuqul leh amaanka magaalada iyo waliba maamulka ku meel gaarka ah ma ayna idaacaddu ogolaansho ka haysan.
Ma jiraan war umuurtan xiritaanka idaacadda ku saabsan oo ka soo yeeray maamulka idaacadda Bar-kulan.
KismaayoNews.com