Prof. Gaandi “Bil gudaheed ayaa lagu dhisayaa Jubbaland”

Published: December 26, 2012

Kn: Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo maanta meel fagaaro ah kala hadlayay boqolaal dadka reer Jubbooyinka ah oo isugu yimid aayo ka tashigooda ayaa sheegey in muddo bil gudaheed ah lagu soo dhisayo Jubbaland.

Madaxdii kale ee shirka joogtey waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdishiid Xidig, Siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Dhaqane, Haajir Bille Sugaal, Maxamed Amiin, Xassan Abshir Faarax oo marti ahaa, iyo dad kale oo kala duwan oo uu ka midyahay Xaambe oo muddo dheer ahaa dublamaasi xagga ciidamada Soomaaliya.

Waxaa laga jeediyey hadalo qiiro leh, oo dadka loo sheegayo in ay iyagu maamulka u madax banaanyihiin in ay dhistaan.

Waxaa lagu heshiiyey in kani uu yahay shirkii ugu dambeeyey ee Nairobi lagu qabanayo, kan xigana lagu qaban doono Kismaayo iyo gudaha dalka.

Ganacsatada Jubbaland waxay ku yaboohday gaadiid xagga cirka ah oo dadka u daabulaya Kismaayo, halka shirka martigalintiisa laga rabo maamulka Kismaayo.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Cabdiwali “Anigaa garoonka u sagootiyey madaxweynaha, maalmahan soo socdana xal ayaa imanaya”
Ciidamada Jubba oo u dhaqaaqay dhanka Jilib
Biyo la’aantii waxaa ku darsantay fatahaad
Nin walaalkiis diley oo lagu qisaasay Galdogob
Video : Barnaamij Aljazeera ka diyaarisey Jubbaland iyo DF