Sheekh Xasaan “Difoosihii Alshabaab” oo la xirey

Published: December 26, 2012

Kn: Sheekh Xassan Xuseen (Abu-Xasaan) ayaa lagu xirey Nairobi. Xalay ayay ciidamo gurigiisa ka katiinadeeyeen, warar soo baxayana waxa ay sheegayaan in lagu heysto arrimo la xiriira Alshabaab.

Sheekha oo mas’uul ka ah moowlac lagu cibaadeysto oo Nairobi ku yaala ayaa intii muddo ahba ahaa “Difoosaha” ugu weyn ee Alshabaab, mana ahan markii ugu horeysay ee la xiro.

Xer uu isagu leeyahay ayaa la sheegey in iyaguna qaarkood lala xirey, qaarkoodna ay kala dhuunteen.

Caadi ahaan qofka la xiro xiliyada bisha December ay maalmaha ugu danbeysa marayso, waxaa dacwadiisa loo dhigaa illaa Sanadka cusub, intaasina xabsiga ayuu kusii jiraa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Maamulka Jubba “Qaxootiga soo laabanaya ma ahan in ay noqdaan sidii baroacayaasha oo kale”
Xafiiskii Baasaboorada Gaarisa oo dib loo Furayo
Gaarisa oo laga xusey halyeeyadii Soomaalida ee xornimada u doodey
DF “Shidaalka Soomaaliya waxaa lasoo saarayaa sanadka 2020-ka”
25 ka mid ah munishiibiyada canshuuraha oo Xamar lagu diley