Kn: Wiil ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey qarixii masaajidka Al-Hidaaya ee xaafadda Islii, ee uu sidoo kale ku dhaawacmay xildhibaan Yuusuf Xassan ayaa laga jaray labada lugood.
Wiilkani oo sida la sheegey aysan wax laf ah jabin, balse dhaawacyo kale lugaha kasoo gaareen si la mid ah xildhibaan Yuusuf ayaa la sheegey in labada lugoodba laga jaray, taasi oo ay si weyn oga naxeen.
Wiilkani ayaa lagu magacaabaa Jaamac Xuseen Cusmaan, waana nin dhalinyaro ah oo xaasle ah, kuna sugnaa masaajidka illinkiisa markii uu qaraxa dhacayay si uu u salaamo xildhibaanka oo siweyn dadku u jecelyihiin.
Xildhibaan Yuusuf ayaa loo qaaday isbitaal ku yaala Johannesburg, South Africa, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad ay si weyn usoo hagaagayso.
KismaayoNews.com