Wafti wasiiro ah oo Kismaayo ka degey, mushaarna bixinaya

Published: December 27, 2012

Kn: Wafti ka kooban afar wasiir oo kala ah wasiirka Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka, warfaafinta iyo isgaarsiinta iyo Cadaaladda ayaa ka degey magaalada Kismaayo, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Waftiga dowladda ayaa waday mushaaraad dhowr bilood ah oo ay ciidamada siinayaan, kuwaasoo isugu jira ciidamada dowladda iyo kuwa Kaambooni.

Waxa kale oo ay wasiiraddu daweyn dibada ah u qaadayaan dhaawacyo ciidamada oo yaala Dhoobleey, Kismaayo , Gaarisa iyo Nairobi, kuwaasoo wax laga qaban waayay.

Waftiga ayaa ka sokoow kulamada ay la yeelanayaan maamulka Kismaayo waxa kale oo ay kulamo la qaadanayaan odayaasha dhaqanka ee Kismaayo iyo guud ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Waxa uu waftiga ka koobanyahay illaa 40 qof, waxaana ka mid ah saraakiil ciidan o ka socda AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka.

Waxaa kale oo la socda warfidiyeeno aad u tiro badan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Axmed Madoobe : Kismaayo iyo Free Town waa la mataaneyn
Video : Iskuul Kartaayda lagu barto Xamar
Gacan Ka Hadal Ka Dhashay Isbedal Lagu Sameeyay Maamulka Hosingoow ee Gobalka Jubada Hoose
Madaxweynaha oo safar sabeen-xir ah ku tagay Kismaayo
Puntland oo horey ka taageertey Cumar Cabdirishiid, Jubbaland oo u yara kaadineysa