Cilmooge iyo Sh. Axmed oo gaar u kulmay

Published: December 28, 2012

Kn:Kulan khaas ah ayaa dhex maray wasiirka warfaafinta, boostada, Isgaarsiinta iyo dalxiiska, Cabdullahi Cilmooge iyo gudoomiyaha maamulka Ku meel gaarka ee Kismaayo, Sh. Axmed Madoobe.

Kulanka dhex maray labada masuul oo ujeedkiisu ahaa is xogwaraysi, talo is waydaarsi iyo is dhiiri galin ayaa ku idlaaday is afgarad iyo isla qaadasho dhabaha siyaasadeed ee bulshada lagu hagaayo ayadoo booska laga saaraayo, naf jeclaysi, nin jeclaysi, eex isla markaana la faydaayo ceeryaamooyinka dad sameega ah ee ku giblan mustaqbalka dadka iyo dalka.

Sidaan wararka ku helayno, labada masuul waxay isla gaareen, sidii ay karaan kooda bulshada uga saacidi lahaayeen sidii ay ugu hagaagi lahayd, una haleeli lahayd hilinka iyo tubta toosan.

Gacmo wada jir ayay wax ku qabtaane, waxay isla qireen muhiimadda ay leedahay ka wada shaqaynta danta umadda, dadka iyo dalka. Kulanka labada masuul dhex maray, waxaa lagu tilmaamay kii ugu maxsuul fiicnaa, uguna miisaan cuslaa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Dowladda oo ka hanfariirsan aalado casri ah oo dalka kusoo kordhey
Geerida Xiis Kallane oo laga tacsiyeynayo
Shir ka dhacay Kismaayo, hadalo maan-gal ah oo laga jeediyey
Video : Xaaladda biyaha Soomaaliya
Hooyo wiilkeeda dil ka badbaadisey dalka Iiraan