Kn:Guurku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay adoomadiisa ku galladaystay, ka tagistiisuna waxay qofka iyo bulshadaba ku leedahay saamayn xun. Khataraha ugu waaweyn oo ka dhasha ka dheeraanshaha guurka waxaa ka mida:
Ka dheeraanshaha guurku wuxuu sababaa jirrooyin nafsi ah, sida: waali, islahadal, walwal iwm. Waxaa dhici karta in jirradaas isu badasho mid xubnaha ah oo daweynteedu adagtahay. Diraasad Maraykan ah oo cusub ayaa faa’iidaysay in guurku hagaajiyo caafimaadka miskaxda gaar ahaan dadka qaba murugta iyo isla-hadalka; sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah inay guursadaan dadka qaba murugta, moral-jabka iyo dareenka kalinimo .
Dadka aan guursan waxaa ku dhaca moral-jab ka yimaada dibu-dhaca haleelay iyo horumarka asaaggood sameeyeen; waayo dadkii ay isku ayniga ahaayeen ayaa noqday mudanayaal iyo marwooyin leh reer iyo ubad bulshadana ku dhex leh qadarin iyo maamuus halka iyo ay weli ciyaal xaafad yihiin!.
Waxaa dhici karta dadka guurka dib u dhiga inay noqdaan ma dhalayaal ama ay gabdhaha iyaga oo waaweyn ay ku dhibtoodaan dhalmada ama uu ku bato dhiciska iyo dilanku ama carruurta ay dhalayso yaraato dibudhaca guurkeeda darti. Waxaa iyana dhacda in dadka guurka dib u dhiga ay haleesho cillad aanu helayn cid guursata laakiin haddii cillad heshi isaga o reer leh uma badna inuu reer la’aan muto.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com