Qaanuunka hubka ee Maraykanka oo qabanaya qofka Soomaaliya jooga

Published: December 29, 2012

Kn: Dacwad loo heysto sedex dhalinyarro Soomaali ah oo dalka Maraykanka lagu maxkamadeeynayo kadib markii maamul goboleed Soomaaliya ka tirsan u gudbiyey ciidamada Maraykanka ayaa waxyaabaha loo heysto waxaa ka mid ah in ay hubka darandooriga u dhaca ku isticmaaleen Soomaaliya, iyaga oo aanan sharci u heeysanin.

Cali Yaasiin Axmed, iyo Maxamed Yuusuf oo dalka Sweden ku noolaan jirey iyo Mahdi Xaashi oo Britain ku noolaan jirey ayaa waxaa laga qabtay Soomaaliya bishii August ee sanadkani, taariikhda marka ay ahayd 21dii bishan December, 2012-ka waxa ay maxkamad kaga bilaabatay magaalada New Yowk ee dalka Maraykanka.

Ka sokoow dacwadaha argagixisada la xiriira ee loo heysto, waxaa kale oo galka dacwadda ku qoran in loo heysto in hubka darandooriga u dhaca sharci darro ay Soomaaliya ku heysteen, kuna isticmaaleen.

Tani waxa ay ka dhigantahay in qaanuunka hubka ee Maraykanka ee ah in qori sharci la’aan aanan la wadinin, lana isticmaalin uu markani qabanayo qofka Soomaaliya jooga, Maraykankana maxkamad lagu saari karo.

Laakiin xukunka xaakimka ayay arrintani kala cadaan doonta.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Sawirro : Daawashada Dooshka
Midoowga Afrika : AMISOM waxay baxaysaa 2016
Safiir Carbeed oo Kismaayo gaaray + Sawirro
Video : Shir taabo-galinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Jubba oo lagu qabtay K/Afrika
Xeer ilaaliyaha guud “Qofkii lasoo xiro waa in 24 saac lagu keenaa maxkamadda”