Soomaali ku halaagsantay Libiya

Published: December 29, 2012

Kn:Labaatan iyo lix tahriibayaal Soomaali ah iyo sadex Eritrean ah ayaa xijaabtay kadib markii uu baabacada isu rogay gaari si dhuumasha ah u gaynaayay caasimadda dalka Libiya ee Tripoli.

Sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Libiya, Cabdiqani Muxumed Wacays gaariga oo ahaa tareelayaasha nooca dhaadheer wuxuu siday tahriibeyaal Soomaali u badan, ayadoo tirada Soomaalida ee saarneyd ay gaarayso 120 isugu jira rag iyo dumar, dhalinyaro u badan.

Marka uu gadoomaayay, gaariga ayaa la sheegay inuu ku joogay wado qardo jeex ah, si uu uga dhuunto booliska, taraafikada iyo ciidamada amaanka. Dad kaliya ma ahayn waxa gaariga saarnaa ee sidoo kale waxaa ku rarnaa xamuul iyo bagaash u badan Nuurad iyo Shamiinto, kuwaasi oo loo badinaayo inay yihiin kuwa dadka laayay.

Masiibadani ma aha tii ugu horaysay, waxaana maalmo ka hor biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen ku dhamaaday tiro intaasi ku dhaw, kadib markii ay badda quustay dooni ay saarnaayeen.

Ayadoo ay wali dalka Soomaaliya ka jiraan qalalaaso siyaasadeed iyo xaaladdiisa amaan oon salka dhigin ayaa waxaan ka soo reyn lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka ka sii yaacaaya isla markaana ku halaagsamaaya baddaha iyo barigga dalalka caalamka.

Xaaladda dhalinta Soomaaliyeed ayaa noqotay “kud ka guur oo qanje u guur“.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Suldaan Cali Sokor oo Afmadoow gaaray
Ra’isulwasaaraha “Sanbaloolshe waa nin dhaqan xun”
Shirkad Kenya laga leeyahay oo adeeg bangi ka fureysa Soomaaliya
Dowladda oo joojisey 8 qandaraas oo ay la gashay shirkado
Dowladda Federaalka oo xafiiskii ugu horeeyey ka fureysa Kismaayo