Waftigii Xamar oo guryo noqday

Published: December 29, 2012

Kn:Waxaa caasimadda dib ugu soo laabtay wafuud heer wasiir iyo xildhibaano ah oo booqasho laba maalmood ah ku joogay magaalo xeebeedka Kismaayo.

Wafuudda oo aroor hore ka soo shiraacday garoonka caalamiga ee Kismaayo, waxaa soo sagootiyay masuuliyiinta ugu saraysa ee maamulka ku meelgaarka ee Kismaayo, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen, Sh. Axmed Madoobe, Ismaaciil Saxardiid, Radaar, Seeraar, gudoomiyaha degmada, saraakiiha amaanka iyo masuuliyiinta AMISON.

Wafuudda oo goordhawayd soo guryo noqday ayaa la filayaa inay la qaataan kulan ay ooga xogwaramayaan masuuliyiinta dawladda federaalka wixii ay indhahooda ku soo arkeen iyo natiijadii ka soo baxday socdaalkooda.

Xubno wafuudda kamid ahaa oo KismaayoNews uga warbixiyay xaaladda amaan ee magaalada ayaa qiray in amaanka magaalado uu yahay mid la isku halayn karo oo ka wanaagsan ugu yaraan kan Muqdisho iyo Baydhabo oo uu xog-ogaal uyahay. “Sawirka aan haystay wuxuu kun jeer ka hooseeyay ka aan idhahayga ku soo arkay 2 habeen een cawabarinay Kismaayo” ayuu yiri.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Musharixiinta Galmudug oo Hadal Jeedin Sameeyey
AMISOM oo dib u gurasho biloowdey
Badhaadhe : Guddigii qorista dastuurka Jubbaland oo u duuley
Axmed Cabdisalaan, Safiir dowladiisa ka sheeganaya
Cabdisalaan Hadliye oo ka hadlay muranka badda ee Kenya