Dowladda oo hergalineysa qorshihii maxaakiimtii Islaamka

Published: December 30, 2012

Kn: Sanaddii 2006 dii waxa ay Soomaaliya u ahayd xili lix bilood oo xasilooni ah ay soo martay kadib kacdoonkii shacabka ee ay hormuudka ka ahaayeen maxaakiimtii Islaamiga.

Arrinta sida ay weyn ay maxaakiimta ugu kasbadeen taageerada iyo kalsoonida shacabka waxa ay ahayd in ay isbaarooyinkii biliqsanaa magaalada ka qaadeen dariiqyada, islamarkaasina ay magaalada ka saareen hogaamiye kooxeedyaddii isbaarooyinka dhigtey.

Marka ay howshaasi oo dhan qabanayeen, maxaakiimta waxa ay hawlgaliyeen kun askari.

Haatan waxay u egtahay in qorshahaasi oo kale ay samaynayso dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan isbaarooyinka iyo tirada ciidamada sugaya amaanka caasimadda.

Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlayay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegey in dowladda ay diyaarisey 1,000 (Kun) askari oo sugi doona amaanka caasimadda, islamarkaasina xaqiijin doona in aysan dariiqyadda kusoo laabanin isbaarooyinkii sharci darada ahaa ee yiiley dariiqyadda caasimadda.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Wasiiradii hore oo lasoo baxay ‘carab dalab leh”
Cali Gaab oo Taraafikada ku laabtay
Farmaajo “Safarkayga Baydhabo waa jid uu ii jeexay Xasan Sheekh”
Madaxweyne Axmed oo booqday dhufeysyada C/lle Biroole
Maxkamadda Cidamada oo dil ku fulisay nin horey udilay qof shacab ah