Puntland oo wareejisay lahaystayaal reer Yemen

Published: December 30, 2012

Kn:Garoowe, xarunta maamul goboleedka Puntland, kulan ka dhacay ayaa la isku waydaarsaday mahadnaq iyo lahaystayaal reer Yemen ah oo laga soo badbaadiyay gacanta burcad baddeedka.

Munaasabadda lagu wareejinaayay lahaystayaasha waxaa goob joog ahaa, madaxweynaha Puntland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, wasiiro, saraakiil ciidan, culimo-awdiin, cuqaal iyo bulshada rayadka, waxaana dhanka kale fadhiyay wafuur uu hogaaminaayay safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya, Axmed Cumar iyo sideed lahaystayaal reer Yemen ah.

Safiirka Yemen ayaa shacabka iyo maamulka Puntland uga mahadceliyay soo daynta iyo dhaqaalaynta lahaystayaasha reer Yemen oo inka badan laba sano iyo bar ku jiray gacanta burcad badeedda.

Gabogabadii munaasabadda kadib, ayay garoonka Boosaaso ka duuleen sideeddii lahaysta iyo masuuliyiinta reer Yemen.

Sadex iyo labaatankii bishan ayay ahayd markii ciidamada Badda ee Puntland ay kala soo bexeen gacanta Burcad badeedda markab iyo 22 shaqaale oo kala dhalashooyin ahaa.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
REPORT OF THE IGAD CONFIDENCE BUILDING MISSION TO MOGADISHU AND KISMAYO 16-19 MAY 2013
Statement of H.E. Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia 22nd Extra-Ordinary Summit of Heads of State and Government of IGAD 24 May 2013, Addis Ababa, Ethiopia‏
Jeneraal Saalax Makoma, taliye cusub oo loosoo magacaabay Jubadda Hoose
Madaxweynayaasha IGAD oo ansixiyey go’aankii wasiiradda
Wafti Xamar ka yimid oo Kismaayo gaaray maanta