Sucuudiga oo gudoomay codsi ooga yimid Soomaaliya

Published: December 30, 2012

Kn:Wasiiru dawlaha madaxtooyada ee Jamhuuriyadda federaaliga Soomaaliya, Faarax Cabdulqadir Maxamed ayaa waraaq codsi ah oo uu ka siday madaxweynaha u gudbiyay boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka arimaha dibadda ee Sucuudiga, ina boqor, Saud Al-faysal oo wasiiru dawlaha qaabilay ayaa ka gudoomay waraaqda codsiga ah.

Waraaqdu waxay ku socotaa Boqorka Sucuudiga, Boqor Cabdalla, waxayna xambaarsantahay dhanbaal codsi ah oo ka turjumaaya baahida ay qabaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna dawladda curdanka ah iyo kaalinta saaxiibtinimo ama walaaltinimo ee Sucuudiga kaga aadan iyo doorka ay ka qaadan karaan.

KismaayoNews.com


KismaayoNews.com



UGU DAMBEEYEY
Wasiirka arrimaha bulshada Jubbaland oo la kulmey shacabka Dhoobleey
Baarlamaanka oo ka doodey sharciyo muhiim ah
Kismaayo: Cali Ameeriko oo abaalmarin la guddoonsiiyey
Wasaaradda Batroolka oo qirtay in ay ka warheyso baarista lagu hayo Shirkadda Soma Oil
Masar oo dhul beereed laga siinayo Hiiraan